MDawla Somalia Oo Gudi U Saartay Diyaarad Milateriga Ethiopia Lahaa Oo Ku Burburtay Madaarka Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashayuqdisho(Araweelo News Network) Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa gudi u saartay sababta keentay burburka mid ka mid ah diyaaradaha

 

Milateriga dalka Ethiopia oo Sabtidii ku bur-burtay Madaarka Muqdisho ee Aadan Cabdule.

Lama garanayo sababta keentay shilka diyaarada, isla markaana lama ogga waxa ay siday midna, balse diyaaradaa oo subaxnimadii ku gubatay garoonka, ayaa wararka qaar sheegayaan inay siday hub iyo Saanad Milateri oo ay Dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ka iibsatay Ethiopia, waxaana jira warar sheegaya in ay ku dhinteen afar ka mid Milateriga Ethiopia oo laba ka mid ahi ahaayeen Duuliyaal, halka labada kalena ahaayeen Khabiiro iyo Tababarayaal dhinaca ciidamada ah.

Ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya Madaarka ayaa ku guuldaraystay inay damiyaan holoca ka baxay diyaaradaa oo ahayd nooca Xamuulka ee Milateriga, waxaana samada isku shareeyay qiiq madaw iyo Olol iyadoo qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen, kuwaas oo loo malaynayo inay ahaayeen rasaasta iyo hubka saarnaa.

Dawlada Ethiopia ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin diyaaradaa, balse warar hor-u-dhac ahaa markii shilku dhacay ayaa sheegay in dhacdadaasi ahayd shil cilad farsame awgeed (technical fault).

 

Waxayna  dawlada Federaalka Sooomaaliya u saartay shilka diyaaradaa gudi soo baadha oo ka kooban Todoba xubnood, kuwaas oo kala ah, Cadabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye, Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaadyada Rayidka & S.H – Xubin, Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin, Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin, Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin, kuwaas oo ay ku jiraan laba xubnood oo ka tirsan AMISOM.

Dawladda federaalku waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay khasaaraha dhacay oo ay tacsi u direyso dawlada Ethiopia, waxayna gudidaa ku amartay inay si deg deg ah uga hawlgalaan arrintaa, isla markaana si deg deg ah u keenaan warbixin buuxda oo la xidhiidha sababta keentay shilkaa.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *