Hargeysa(Arraweelo News)Xukuumadda Somaliland ayaa ku guuldaraystay  inay hakiso dhalinyarada nafohooda ku biimaynaya saxaraha ee doonaya inay

 

 

u talaabaan dhinaca dalalka Yurub, kuwaas oo xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saartay gudi xakameeya, isla markaana Hay’addaha amaanka lagu war geliyay inay talaabo ka qaadaan.

Hase yeeshee talaabooyin ay qaadeen Hay’addaha xukuumadda ee loo xil saaray arrintaa oo u muuqata masiibo qaran oo aan la baacin Karin ayaan waxba ka bedelin qul-qulka dhalinyarada Somaliland iyo qorshaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Kaantaroolada lagu amray inay qabtaan dhalinyarada ay uga shakiyaan inay u socdaan Tahriib, waxaana labadii maalmood ee u danbeeyay  maalin ka hor munaasibada Ciidal Fidriga ka baxay magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera iyo deegaamo kale in ka badan tiro lagu qiyaasay Boqolaal dhalinyaro ah oo maray jihooyin kala duwan. Kadib markii xukuumaddu xidhay qaar ka mid ah dadka u shaqeeya shebekadaha isku xidhan Somaliland ilaa Liibiya, isla markaana dhalinayaro badan ay ciidamada amaanka iyo saraakiisha Laanta socdaalku ka dejiyeen gaadiidkii ay saarnaayeen ee u socday dhinaca dalka Ethiopia.

Kooxaha ku shaqaysta tahriibinta dhalinyarada oo ka cabsi qaba in la qabto kadib culayska xukuumadda Somaliland saartay, ayaa dhinacooda bilaabay inay bedelaan wadooyinkii hore iyo qaabkii ay u qaadi jireen ee dalka uga saari jireen dhalinyaradaa, kuwaas oo tirooyinka u danbeeyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay Baabuur Basas ah kaga qaaday dhalinyaradaa meelo khaas u ah oo si qarsoodi ah looga baxo, waxaana Basaska oo dhalinyarada Wiilasha iyo Hablaha leh oo ah kuwo dadoodu yar yar tahay lagu dhaafiyaa Kaantarooda dhinaca Galbeedka Hargeysa, iyadoo laga dhigayo Arday dalxiis ugu baxay galbeed, sida ay sheegayaan xoggo shebekaddaha Araweelonews iyo arraweelo.com oo mudooyinkii u danbeeyay dabagal iyo baadhitaano ku saabsan arrintaa ku hawlanaa, kuwaas oo lagu xaqiijiyay in Basaska laga saaro Hargeysa lagu geeyo dhalinyaradaa meel aan wax badan ka fogayn magaalada ku taal xadka u dhexeeyay Somaliland iyo Ethiopia ee Wajaale.

 

Sidoo kale xoggahaa ayaa sheegaya in gaadiid nooca loo yaqaan Shaanboo Xayraan oo sita Lambarka Ethiopia  oo uu leeyahay ganacsade u dhashay deegaanka Gebeliy, balse ka shaqaysta dalka Ethiopia lagaga daabulo, iyadoo la marinayo dadkaa wadooyin qarda jeex ah oo jihada dhinaca Woqooyi ka gala Addis Ababa si halkaa ay uga qaadaan gaadiid kale oo uu leeyahay ganacsadahaasi  oo xoggaha shebekadaha araweelonews iyo arraweelo.com ka heleen arrimahaa sheegayaan inuu yahay ka ugu awooda badan kooxaha hawshan tahriibinta ganacsiga noqotay  ku shaqaysta.

 

Sidoo kale todobadyadii lasoo dhaafay  waxa baxay tirooyin kale oo boqolaal ah, kuwaas oo maray wadooyin kala duwan, isla markaana siyaalo kala duwan uga baxay dalka si ay uga badbaadaan Hay’addaha xukuumadda Somaliland u xil saartay sidii wax looga qaban lahaa Tahriibta dabarka goosatay.

Xoggahan ayaa lagu ogaaday in qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Tahriibaya oo ka dhuumanaya waalidkood ay samaystaan Aqoonsiyo (ID) kaadhadh goobaha waxbarasho ee Jamacaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka. Kadibna waraaqo ka qaataan wasaaradda Waxbarashada iyo safaarada Ethiopia eek u taal Hargeysa, iyagoo sheeganaya inay yihiin Arday waxbarashooyin jamacadeed u baxaya, kuwaas oo koox koox isu raaca kadibna sidaa kaga gudba baraha Kaantaroolada iyo xadka Wajaale.

Gabadh ka mid ah kuwa wax ka barta mid ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay eek a furan Hargeysa ayaa sheegtay in laba todobaad ka hor badhtamihii Ramadaan hablo tiradoodu ahayd 18 oo ay inta badan asxaab ahaayeen, isla markaana ku wada jireen Jaamacad ay bexeen iyagoo sita waraaqo ay ka samaysteen hargeysa, waxayna gabadhaa oo codsatay in aan magaceeda la sheegin xustay in marka laga reebo lab ka mid ah Hablahaa oo ehelkoodu kasoo celiyeen Addis Ababa xarunta dalka Ethiopia ay sidaa ku baxeen.

 

Qaar kale oo ka mid ah dadka tahriibiya dhalinyarada ayaa dhinaca magalaada Harta Sheekh u wareejiyay khadka sida qarsoodiga ah loo mariyo dadka, halkaas  oo ay ka baxaan Baabuur ka shaqeeya Tahriibinta dadkaa oo khaas u ah, kuwaas oo geeya Addis ababa, halkaas oo looga sii gudbiyo dhinaca dalka Soodaan. Kadibna kooxo kale ugu gudbiyaan Libiya haddii ay ka badbaadaan dhibaatooyinka Madaxfurashada, Kufsiga iyo Adoonsiga ah ee inta badan ku dhacda Tahriibayaashaa, kuwaas oo u badan dhalinyaro Wiilal iyo Hablo dadoodu  u dhaxayso 14 ilaa 35 sanadood.

 

Waalidiinta dhalay dhalinyarada ayaa ku war hela mudo ka dib in caruurtoodii ay tahriibeen, kuwaas oo lasoo xidhiidha marka kooxaha ka ganacsada arrimahaasi ka dalbadaan lacago madax-furasho ah oo aanay qoyaysaska ay kasoo jeedaan awoodi Karin, taas oo qaarkood ku khasabta waalidiinta ama qoyaysaska wixii hanti ay haystaan u xaraashaan si ay ubadkooda ugu furtaan, halka kuwo kale qaylo dhaan u dirtaan eheladooda qurbaha ku nool, ama cidii kale ee ay u arkaan inay wax kala qabanay mushkilada ubadkoodu madaxa u geliyeen, balse waxa jira qaar nafohooda ku waaya iyo xabsiyada wadamadaa la dhigo ka hor inta aanay gaadhin Liibiya, ama u gudbin Jasiirada Malta ee lagu ururiyo muhaajiriinta ka taga Afrika ee u gudba Yurub.

Dhinaca kale Weriyaha BBC-da ee Dalka Talyaaniga Aadan Sabriye oo  booqday Jaziirada Malta ee lagu ururiyo muhaajiriinta ka taga Afrika ayaa warbixin uu kaga hadlay xaalada qoxootiga ku sugan halkaa, wuxuuna xusay inay u badan yihiin dhalinayaro dadoodu yar yartahay oo intooda badan ka yimi Somaliland, wuxuuna xusay in 90 % ay yihiin dhalinyaro ka yimi Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, isla markaana dayac badan ay kala kulmeen iyo dhibaatooyin aanay ka filayn, wuxuuna xusay inay sheegeen qaar ka mid ah in sababta ay dalkooda uga soo haajireen ahayd inay nolol u raadsadaan Yurub, balse ay jeclaan lahaayeen inay hada dalkoodii  Somaliland ku laabtaan haddii ay helayaan cid ku celisa. Kadib rafaad badan iyo dhibatooyin ay lasoo kulmeen mudadii ay jidka saxaraha iyo badda kusoo jireen iyo wixii ay filayeen oo ay ka waayeen Yurub.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *