Prof. Ibraahin Maygaag Oo Ku Geeriyooday Dalka Japan

 

Japan(ANN)Al -hawnaxariistee  Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar ayaa ku geeriyooday dalka Japan. Prof. Ibraahin  oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii hogaaminayey ururkii Xaq u dirirka ahaa SNM ee dalka ka xoreeyey taliskii Dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo

 

xukunka laga tuuray 26-kii January 1991-kii, wuxuu markii ugu danbaysay ahaa guddoomiyihii gollihii dhexe ee SNM.

Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews qaar ka mid ah ehelada marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo sannadii u danbeeyay  wax ka dhigayay  Jaamacaddaha dalka Japan. Marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa la keeno maalmaha soo socda. Taariikhda marxuumka oo dhamaystiran dib ayaanu idiinka kasoo gudbinaynaa.

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published.