Hargeysa (ANN) Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawlada Ingiriiska  Mr. Andrew Mitchell, ayaa ka waramay kaalmada ay dawlada Ingiriisku siin doonto Somaliland oo la kordhiyay marka loo eego intii kaga soo hagaagi jirtay kaalmada dhaqaalle ee lasiiin jiray Somaalida oo dhan, taas oo 40% ahayd , kaalmooyinkaa hada loo balanqaaday Somaliland waxa  ku jira mashruuc 22 kun iyo shan boqol oo shaqo loogu abuurayo bulshada Somaliland.

Mr. Andrew oo ah Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriisku waxa uu  sidaa ku sheegay war murtiyeed uu ka akhriyay shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay Huteelka Ambassador ka hor intii aanu dalka ka dhoofin isaga iyo weftigii uu hoggaaminayay.
Warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ah aanu idiin soo turjunay waxa uu u dhignaa sidan:-
Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell, wuxuu maanta Hargeysa  oo uu booqasho ku yimid, kaga dhawaaqay inay  UK afar jibaartay kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland.

UK wuxuu kordhiyay taageerooyinkii iyo kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland sadexda sanadood ee soo socda, waxaanu  kordhin doonaa Horumarinta, la dagaalanka faqriga, waxaanu sii sii adkayn doontaa  dhinacyada Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada.
Waxtarkan cusub ee la kordhiyay waxa ku jiri doona talaabooyinkan soo socda:-

“Waxa ku jiri doona shaqooyin joogto ah iyo ganacsi taasi oo dawlada UK dooonayso inay abuuri doonto 22,500  oo shaqo illaa 2015, shaqooyinkaasi oo 7,500 la siin doono Haweenka, waxa kale oo uu 6 Milyan oo Gini ku bixin doonaa maalgelinta gaarka ah 2014-ka,  taas oo lagu horumarinayo kaabeyaasha ganacsiga sida suuqyada iyo habaynta Hilibka.
Britain waxay horumarinaysaa adeega caafimaad ee Somaliland gaar ahaan Haweenka iyo carruurta. Ingiriisku wuxuu kordhinayaa tasiilaadka goobaha adeegyada caafimadaadka  ee shaqanaya ee Somaliland laguna bilaabi doono shan goobood, lana gaadhsiin doono 40 goobood sanadka 2015-ka
waxaanu balaadhinaynaa sidii carruurta  shanta sano ka yar ee  Somaliland tallaalka loo gaadhsiin lahaa  45% illaa 65%.
Taageerada Ingiriiska waxa kale oo ku jiri  doonta gacan siinta Booliska si ay u noqdaan qaar shaqaynaya oo si hufan u adeegaya. Waxa kale oo aanu dawlada Somaliland ka taageeraynaa in kor loo qaado dakhli cashuureedka waxa kale oo aanu horumarinaynaa adeegyada kale ee bulshada ee maxaliga ah sida Biyaha, Fayo-dhawrka iyo waddooyinka oo aanu ka taageerayno 9 ka mid ah 20  degmo  oo Somaliland ah.

Mr. Mitchell waxa kale oo uu kaga dhawaaqay kaalmada deg dega ah ee Britain ku caawinayso dadka Somaliland ee ay saamaysay abaartu oo wax lagala qabanayo 20 kun oo qof oo degan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo la gaadhsiinayo  Biyo nadiif ah, adeeg caafimaad oo deg deg ah.
Somaliland waxay  ku  soo bandhigtay dimuqraadiyad weyn, deganaansho iyo dawlad, gobolkan adag, maanta waxaan qaatay fursad aan kula kulmo Somaliland oo u heelan  inay musqabal fiican u sameeyaan  nafahooda iyo qoysaskooda.

Caawimada UK ee Somaliland-na  waxay  wax ka tari doontaa in la abuuro mustaqbal wanaagsan, waxaanay caawin doontaa, Ragga, Dumarka iyo Carruurta Somaliland inay ku nolaadaan  nolol aan baqdin iyo waxyeelo lahayn, sidaasna ay ku kasbadaan waxsoosaarka nolashooda.

Wuxuu booqday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo uu soo eegay waadhadhka carruurta, halkaasi oo uu ka socdo tababar ay caawiso dawlada UK, waxa kale oo uu booqday xarunta taliska Booliska si uu u soo arko, tababar la siinayay Booliska.

Waxa kale oo uu booqday dugsi lagu barto quraanka kariimka ah oo la yidhaahdo Al- Najax, halkaasi oo uu kula kulmay bareyaasha iyo ardayda quraanka dhigata ee madarasadaasi.
Wuxuu maanta furay bilowga  mashruuc ay dawlada UK maalgelinayso. Kaas oo ay shaqo ka heli doonaan 22,500 oo qof illaa sanadka 2020 ee fooda inagu soo haya, mashruucaasi oo loo soo gaabiyo (SEED) Sustainable Employment  and Economic Devolopment. Waxa kale oo uu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.”
Wasiirka iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Britain oo wax laga weydiiyay ictiraafka Somaliland  ayaa  sheegay in dawlada Britain ay taageerayso horumarka, nabadgelyada  iyo dumuqraadiyadda Somaliland, balse  waxa uu xusay in arrinta aqoonsiga Somaliland  u taallo dalalka gobolkan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *