Qorilugud(ANN)Koox dablay hubaysan oo lala xidhiidhinayo inay ka tirsan yihiin Malayshiyada SSC, ee maalintii doraad dagaalku dhexmaray Ciidanka Somaliland ee ku sugan duleedka Buuhoodle ayaa maanta weerar gaadmo ah ku fuliyay laba nin oo ka tirsan deegaanka Oog. Kadib markii

sida ay wararka shebekadda Araweelonews ka heshay halkaa sheegeen inay kooxdaa dablayda ahi weerartay labadaa nin oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo waqtigaa xoolo ka waraabiyay Berkedo ku yaal deegaanka Horu-fadhi oo dhinaca  Barri kaga beegan qiyaastii 25km Qorilugud.

Waxaana halkaa ku geeriyooday Muuse Maxamed Faarax oo lagu naanaysi jiray (ina wadaad dheere), iyadoo dhaawac culusi soo gaadhay Faarax Axmed Ducaale(Faarax Jiir) oo oday da’a ah, kaas oo dhaawaciisa caawa la keenay cusbitaalka magaalada Burco sida ay shebekadda Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka.
Dhinaca kale Ciidanka qaranka ee ku sugan fadhiisinka deegaanka Buuhoodle ayaa usoo gudbiyay dhinaca magaalada Burco 18 maxbuus oo ay gacanta ku dhigeen doraad kadib markii ay soo weerareen malayshiyada SSC ee duleedka Buuhoodle.  Iyadoo ay ciidanka qaranka eek u sugan halkaa oo doonayay inay isku dhac dadka deegaanka iyo malayshiyada hore u dhexmaray halkaa u tageen, balse markii ay Malayshiyadu weerar kusoo qaaday ciidanka qaranka ay iyaguna dhinacooda jawaab ka bixiyeen weerarkaa. Sidaana kula wareegeen fadhiisinkii kooxdaa malayshiyada ee maygaagle, iyagoo gacanta ku dhigay 18 maxbuus oo ka mid ah malayshiyada SSC.
Maxaabiista la qabtay ee loo gudbiyay xabsiga magaalada Burco ayaa magacyadoodu yihiin sidan;-
1-Cumar Caddare Cumar
2-Farxaan Maxamed Ismaaciil
3-Jaamac Cali Ibraahin
4-Cawil Ibraahin Axmed
5-C/llaahi Xasan Maxamuud
6-C/rashiid Maxamuud Dhab-dhable
7-Maxamuud Warsame Mire
8-Maxamed Cali Muuse
9- C/qaadir Barkhadle Xirsi
10-Maxamed C/casiis Mahdi
11-Cumar Maxamed Xuseen
12-Faarax Cali Ismaaciil
13-Maxamed Axmed Cali
14-Saleebaan Cali Cawil
15-Xuseen C/llaahi Maxamuud.
16-C/rashiid C/llaahi Maxamuud.
17-jaamac Faarax Maxamuud.
18-Maxamuud Xuseen Cabdi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *