Japan(ANN)Al -hawnaxariistee Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar ayaa ku geeriyooday dalka Japan. Prof. Ibraahin oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii hogaaminayey ururkii Xaq u dirirka ahaa SNM ee dalka ka xoreeyey taliskii Dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo
xukunka laga tuuray 26-kii January 1991-kii, wuxuu markii ugu danbaysay ahaa guddoomiyihii gollihii dhexe ee SNM.
Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews qaar ka mid ah ehelada marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo sannadii u danbeeyay wax ka dhigayay Jaamacaddaha dalka Japan. Marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa la keeno maalmaha soo socda. Taariikhda marxuumka oo dhamaystiran dib ayaanu idiinka kasoo gudbinaynaa.