Hargeysa(Araweelo News Network)Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku baaqay

 

in xeer gaar ah loo sameeyo dhismaha Guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu xusay inay yihiin guddi gacanta ku haysa xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland.

Prof. Gees, wuxuu sidaa ku sheegay qormadiisa Taxanaha ah ee uu ugu magac-daray Dharaaro Xusuustood, taas oo inta badan uu mawaadiif kala duwan kusoo qaato Todobaadkiiba mar maalinta Khamiista ee toddobaad kasta, wuxuuna taxannihiisa 31aad ee todobaadkan si faahfaahsan uga hadlay marxaladihii aasaaska Guddida Doorashooyinka Qaranku soo mareen tan iyo sannadkii 2001, waqtigaa oo ahayd markii ugu horraysay ee guddidii doorashooyinka la magcaabay xiligii Xukuumadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Aqoonyahan Gees oo xiligaa ka mid ahaa Xukuumadii Madaxweyne Cigaal ee horseedka u ahayd nidaamka geedi-socodka dumquraadiyadda iyo Doorashooyinka xorta ah iyo sidii loogu gudbi lahaa hannaanka xisbiyada badan, wuxuuna  xusay in waqtigan loo baahan yahay samaynta xeer si tifaftiran u muujiyana qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka si looga baxo murranka ka dhasha dhismahooda iyo qaabka xisbiyadu u qaybsanayaan ee soo taxnaa tan iyo waqtigii la aasaasay Hay’adda Guddida Doorashooyinka Somaliland.

“Dabayaaqadii sannadkii 2001 ayaa marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u gudbiyey Golaha Wakiillada magacyada toddoba muwaaddin oo uu ugu talogay inay noqdaan Guddida Qaranka ee Doorashooyinka (NEC), si goluhu u ansixiyo. Shirguddoonkii Golaha iyo golihii ayaa wax-ka-beddel ku sameeyey soo-jeedintii Madaxweynaha oo dhawr qodob oo ka hadlaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka ku daray Xeerkii Doorashada Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka oo ay ka doodayeen, gacantana ku hayeen waqtigaas.

Awooddii magacaabidda Guddiga Doorashooyinka ayey u kala qaybsheen sidan: Madaxweynaha (3 xubnood), Guurtida (2 xubnood) iyo xisbiyada mucaaridka (2 xubnood), sidaasna way ku ansixiyeen. Marxuum Cigaal oo waqtigaa xannuun la daalaa-dhacay waa aqbalay. Guddigaas Qaranka ee Doorashooyinka waxa la ansixiyey horraantii sannadkii 2002.

Guddigaasi waxay ku guulaystay inay qabato saddex doorasho oo xor ah oo si nabadgelyo ah uga dhacay waddanka – doorashadii Golayaasha Degaanka (December 2002), doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa (April 2003) iyo doorashadii Golaha Wakiillada (September 2005).

Waxa muddadii xilkoodu dhammaaday horraantii 2007, waxa labadii xisbi ee mucaardka ahaa (UCID iyo KULMIYE) iyo Madaxweyne Daahir Rayaale oo UDUB ahaa isla qaateen in Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka la kala diro oo mid cusub la soo magacaabo.

Markii hawshii fulinteedii la galay waxa soo baxay muran iyo iska horimaad gilgilay gebi ahaan dalka oo soconayey sannadkii 2007-dii oo dhan, ayaa Maxkamadda Sarre la isla galay. Arrintii wax bay kala furdaamisay; haddana halkii ayaa markale la iska horyimi. Madaxtooyada oo dhan ah iyo Golaha Wakiillada oo xisbiyada mucaaradka ah ku xoog leeyihiin oo dhan. Golihii Guurtida oo isna daraf ka noqday murankii.

Waxa markaas soo dhexgalay arrintii guddi bulshada rayidka ah oo ka kooban abwaanno, borofasoorro, wadaaddo caan ah iyo xubno waxgaradka bulshada ka mid ah. Guddigaas oo Guddoomiye u doortay abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Waxa guddiga gacan siinayey oo taageero u fidiyey Akademiyada Nabadda iyo Horumarka oo aan markaas madax ka ahaa. Bishii September ayaa guddigu ku guulaystay in labadii qolo afgarad dhexmaro oo dalku uu yeesho Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.

Guddigii waxa uu ahaa mid khilaaf ku dhashay, sidii khilaafkii ugu jiray ayuuna ku burburay isaga oo laba sanno jiray markii xubnihiisii intiisii badnayd istiqaalad keeneen. Sannadkii 2009 aakhirkiisii ayaa mar labaad guddi kale la magacaabay oo la ansixiyey. Guddigaas ayaa qabtay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa bishii June 2010). Doorashadaas oo si qurux badan u dhacday.

Indhaha dalalka xiiseeya siyaasadda Geeska Afrikana soo jiidatay markii ay si nabadgelya u dhacday oo laba Madaxweyne ay xilkii isu tiriyeen oo mucaardkii ku guulaystay doorashadii, taas oo ahayd arrin dhif ku ah Waddamada dunida saddexaad iyo kuwa Muslinka ah.

Waxa kale oo uu Guddigaasi qabtay doorashadii Golayaasha Degaanka oo dhacday bishii December 2012) taas oo buuq iyo dhimasho sababtay iyo muran waqti dheer qaatay. Waxa dhacdadaas loo aaneeyaa diiwaangelintii sida caadifadda ah Baarlamaanku u laalay, iyadoon laga fekerin, oo xisbiyadu dabada ka riixayaan, xukuumadduna ka aamustay.

Markii ololaha laalistu socotay ayaan wasiir xukuumadda ku jira oo waayo-aragnimo badan u lahaa doorashooyinka ka warsaday waxa ay u joojin waayeen laalista diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxa uu iigu jawaabay si fudud oo ahayd marmarsiinyo lagaga horyimaad doorashada inay dhacdo ayaannu diidaynaa, sidaas darteed ma faragelinayno.

Sharci-yaqaaanno badan ayaa waxay ku doodaan in qaybintii ay qaybsheen awoodda magcaabidda Guddiga Qaranka ee Doorashadu ay isku dhexdaadisay awoodihii waaxyaha Fulinta iyo Sharci-dejinta. Badanaa wixii magacaabis ah waxa iska leh Madaxweynaha, ansixinta (Oggolaansho ama diidid) waxa iska leh Baarlamaanka.

Hore waxa mucaaridku uga qaylin jireen labada xubnood ee Guurtidu magacawdo. Bal hadda fiiri labadii mucaaradku magacaabi jiray waxa ka taagan; ‘Fari tog-dheer ayey kula xushaa.’ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI isaga ayaa xeerku siiyey inuu soo magacaabo xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, isla markaan waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ansixinaya xubintii uu soo magacaabay. Haye maxaa kuu baxay boowe?!.

Waxa sharci-yaaqaanno badan qabaan in xeer gaar ah oo tafatiran loo curiyo Guddigga Qaranka ee Doorashooyinka, waayo guuddigu waxa uu gacanta ku hayaa xasilloonida iyo nabadda dalkan Somaliland, sidaa darteed waa in dib loo eegaa xeerka hadda jira oo ah dhawr qodob oo ku dhex milan Xeerka Doorashada Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka,” ayuu yidhi Prof. Maxamed Siciid Gees.

Waxa kaloo uu qormadiisa kaga hadlay in guusha qofka bani’aadamka ah gaadho iyo magaca adduunka lagaga tago aanay ku xidhnayn madaxtinimo la qabto, balse siyaabo kala duwan qofku ku yeelan karo magac la xasuusnaado muddo dheer.

Waxa Prof. Maxamed Siciid Gees soo qaatay magaca abwaannada adduunku ku dhex leeyihiin bulshooyinka caalamka, isagoo si gaar ah u tilmaamay mu’aliftii Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray William Shakespear, kaasoo geeriyooday muddo hadda laga joogo 398 sanno ka hor (saddex qarni ka soo wareegtay), balse magaciisa iyo fankiisu ilaa hadda nool yahay.

Qoraalka Prof. Gees arrimahaas kaga hadlay, waxa uu u dhignaa sidan;

“To be or not to be that is the question’

‘Ahow iyo ha ahaan arrinku weeyaane’

William Shakespeare (Hamlet)

Macno ma leh aduunyadu

Haddaan magac ka reebayn eh

Maxamuud Ismaaciil Qasim

William Shakespeare oo noolaa sannadihii 1564 – 1616, waxa uu ahaa gabayaa Ingiriis ah oo riwaayadaha allifa. Tuducan ayaan ka soo qaatay riwaayaddiisa caanka ah ee la dhaho Hamlet. Waxa riwaayadihiisa loo tarjumay 80 af oo dunida lagaga hadlo, balse weli af Soomaali looma beddelin ilaa hadda waxa laga dhigaa riwaayadahaas adduunyada cidhifyadeeda oo dhan iyagoo lagu masilayo afaf kala duwan oo dad midabbo kala duwan ay jilayaan.

Cidna si sahlan u garan mayso madaxdii xukuumaysay dalka England markii Shakespeare noolaa! Waar bal day akhristow! Guushu madaxnimo ma aha ee meelo kale ayey ku jirtaa. Boqol sanno kadib cidna ma xasuusan doontu madaxweyneyaashii soo maray Somaliland. Haseyeeshee, waxa la aqoon doonaa oo la akhrisan doonaa oo la dhegaysan doonaa heesaha iyo riwaayadaha ay curiyeeen abwaannadu sida Axmed Saleebaan Bidde ee ay ka mid ahayd ruwaayaddii la odhan jiray Wejiyaal is-xasuustaa; ee ay Heestan oo ay qaadaan Kinsi Xaaji Aadan iyo Cabdillaahi Cumar Xarrago beydkeeda hore iyo kiisa u dembeeya oo ay ka mid ka ahayd;

Wejiyaal is-xasuustaa

Indho aan kala waaban

Laba aan isba waayin

Laba aan kala weecan

Wadnayaal is-jeclaada

Wadku daayo ayaamo

Aan wadeeco astaynin

Ma wadaagno xannaano

Innagaa isku wacnaynee

Maxaad iiga wareegtay?

——————————

Wiyishaa ubadkeeda

Waxa jooga adduunka

Iyadaa ula wanaagsan

Kolka waayuhu liicshee

Dani ay ka wadaaye

Haddii aynu is-wayno

Walaac waa ku dilaaye

Waa wareegto adduunkiyo

Haddii uu waqti keenay

Nin wax saarleh miyaan ahay? Kuwaas iyo qaar kale oo badan,” ayuu yidhi Prof. Maxamed Siciid Gees.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *