Mogadishu(Araweelo News Network)Diyaaradaha Mareykanka ee loo yaqaan Daroniska oo todobaadkan weerar dhinaca Cirka ah ka filiyay Gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfurta Somalia, kaas oo ahaa mid lala beegsaday saraakiisha Al-shabaab.
Dawlada Maraykanka ayaa weerarkaa ku tilmaantay mid lagu khaarajiyay Higaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Muqtaar Abu Zubayr), oo saarnaa gaadiidka lala beegsaday gantaalka, balse warka la xidhiidha in lagu dilay Amiirka Al-shabaab weerarkaa, ayaa noqday mid xaqiiqdiisa la waayay, iyadoo Dawlada Maraykanu ku dooday in ujeedada keliya ee ay iyagu weerarka gantaalka ah ula beegsadeen goobtaa ay ahayd in ay beegsadaan hogaamiyaha Al-shabaab.
Al-shabaab kama hadlin sheegashada Maraykanka ee ah in la dilay hogaamiyohoodii, balse waxa jira saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo wakaaladaha wararka u sheegay in saraakiil lagaga dilay weerarkaa, laakiin aanu hogaamiyohooda Muqtaar Abu Zubayr goobta joogin.

Waxaana soo baxay weerarkadib soo baxay Saraakiisha la sheegay in lagu dilay weerarka iyo magacyadooda, kuwaas oo kal ah sidan:-

1 Maxamed Xuseen Nuur oo loo yaqaano Abuu Xamza Al-ayman

2 Gudoomiyihii Shabellaha Hoose ee Al- Shabaab Abuu Cabdalla

3- Iqri Cubeyd oo ahaa Sarkaal u dhashay Dalka Suudaan

4-Mubaarig Cabdalla oo Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Yeman

5-Cali Maxamed Guuleed oo Al-shabaab u qaabilasnaa Saadka Gobolka Shabellaha Hoose

6-Maxamed Abuu Shaam oo ahaa Gacan yarahii Axmed Cabdi Godane  oo loo yaqaano Muqtaar Abuu Subeyr oo ah Hogaamiyaha,ama Amiirka Xarakada Al-shabaab.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *