Mogadishu (Araweelo News Network)Xukuumadda Federaalka ee Somalia, ayaa ku celisay mar kale digiin la xidhiidha shirkaddaha shisheeye ee

Heshiishyo dhinaca Khayraadka Macdanta iyo Batroolka ah la gala Maamulada Somalia ka jira, iyadoo ujeedada digniintaa ula jeeda Xukuumadda Somaliland oo Heshiisyo la gashay shirkaddo shisheeye oo dhinaca Batroolka iyo Macdanta ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia oo lagu magcaabo Maxamed Cali Xaaji Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka dawlada Federalka ee Somalia, ayaa ku tilmaamay heshiishyada shirkaddaha kuwo aan shaqaynayn, isagoo sabab uga dhigay in ay Dawlada Federaalku masuul ka tahay ilaalinta Khayraadka dalka oo uu sheegay in Somalia tahay Federaal, wuxuuna xusay in ay ogyihiin in qaar ka mid ah shirkaddaha ay deegaanka dhibaato u geysteen, iyagoo doonayay in ay baadhitaan sameeyaan kadibna ay iskaga baxeen, iyagoo aan waxba soo saarin, taas oo uu sheegay in dhibaato weyn ay ku tahay deegaanka.

“waan Ognahay dalal iyo shirkaddo aan caalami ahayn oo Foojari ah, ayaa heshiishyo lala galay, mana aha wax shaqaynaya, Khayraadka Dalka Somalia oo  Federaal ah, waxa ka masuul ah dawlada Federaalka, mana ogolaanayno in shirkaddo anay dawlada Federaalku ogayn baadhitaano ka bilaabaan Somalia.” Ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay wasaaradda macdanta iyo Batroolka ee Somalia Maxamed Cali Xaaji Nuur

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dawlada Federaalka Somalia ixtiraamayso heshiishyada dawladii hore ee Maxamed Siyaad Bare la gashay shirkaddo waaweyn, kuwaas oo sida uu sheegay lagula galay deegaamada shirkaddaha Somaliland heshiishka la gashay doonayaan in ay ka bilaabaan baadhista shidaalka, balse aanay suurtagal ahayn oo ay digniin u dirayaan shirkaddahaa oo uu ku tilmaamay kuwo tuugo ah oo ay madaxdooda qaarkood la kulmeen, isagoo yidhi, “Dawladii hore ee Somalia heshiish ayay kula gashay Shirkaddo waaweyn oo Caalami ah, waxa jira shirkad hada shidaal baadhaysay waxay dhaawac u geystay deegaankii wayna iskaga baxday, markaa waxaan u sheegayaa in Dawlada Somalia ixtiraamayso heshiishyada dawladii hore. sidaa awgeed waxaan u dirayna Diginiin, waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharci ah, haddii ay galaan heshiish aanay ogayn dawlada Somalia, waan la kulanay qaar ka mid ah Madaxda shurkaddaha, waana u sheegnay arrintaa. haddii ay rabaan heshiish hala soo xidhiidheen Dawlada Federaalka” ayuu yidhi.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia, ayaa sheegay in ay heshiish la galeen Shirkad dhinaca sahaminta ah ka samaynay Badda Somalia, taas oo uu sheegay in lagu magcaabo
Soma Oil and Gas oo sida uu sheegay intii badnayd ka samaysay Badda Somalia.

Xukuumadda Somaliland,ayaa hore heshiishyo dhinaca shidaalka ah ula gashay Shirkaddo aan si weyn looga aqoon dunida, kuwaas oo deegaano ka mid ah Bariga Somaliland ka abuuray khialaf siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay xaalada amaanka iyo deganaanshaha deegaamadaa, balse xukuumadda Somaliland, waxay marar badan ku cel celisay in aanay dhawaaqyada Dawlada Somalia u joojinayn oo aanay heshiishyada ay la gashay shirkaddaha shisheeye ee Batroolka iyo Macdanta khusayn dawlada Somalia, kuwaas oo ku kooban xadkeeda iyo dhulkeeda gudihiisa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *