Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Dr.Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta ku hor dhaariyay Gudida sare ee cadaalada 9 Garsoore oo loo kala magacaabay Maxkamadaha gobolada dalka. kadib markii iskushaandhayn lagu sameeyay todobaadkii hire garsoorka

maxkamaddaha dalka.
Garsoorayaashan la dhaariyay ayaa ka hawl-galaya Maxkamadaha Gobolada Maroodi jeex, Awdal, Gebilay ,Saaxil, iyo Togdheer, iyadoo garsoorayaal baddan shaqadii laga eryay. Kadib markii baadhitaano iyo daraasado la xidhiidha shaqadooda  garsoorka iyo aqoontooda la dhaliilay.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali , oo hadal kooban oo dardaaran ah u jeediyay xubnahan ayaa tilmaamay dariiqa ugu haboon ee lagu heli karo nidaam cadaaladeed oo toosan inay salka ku hayso sidii loo heli lahaa Garsoorayaal Alle ka cabsi iyo Wadaniyad leh, kuwaas oo bedeli kara tabashadii bulshadu ka qabtay garsoorka.
Guddoomiyaha Maxkamaddu wuxuu ilaahay uga baryay garsooreyaashan inay noqdaan kuwo dhawrsan oo ka fogaada musuqmaasuqa iyo musuqmaasuqa.
Dr. Yuusuf Ismaaciil Waxa uu eebe uga baryay inuu garsoorayaashan u fududeeyo shaqada adag ee ay ummadooda u qabanayaan.
Gudida cadaaladda ee uu Guddoomiyaha u yahay Guddoomiyaha maxkamada sare waxay samayeen isku shaandheyn balaadhan oo ay ku sameeyeen maxkamadaha dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee la xidhiidha toosinta nidaamka garsoorka dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *