Burco(ANN)Orodyahanka caanka ah  ee u dhashay  Somaaliland Jaamac Maxamud Aadan(Jaamac  karaaciin) oo hada dalka Qadar tababare ka ah ayaa maanta si weyn logu soo dhoweyay magaaloyinka
Burco iyo Caynaba Jaamac Karaciin oo ka yimi dalka Qadar ayaa waxa Burco si weyn ugu soo dhoweyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Gudidi Qaran ee tartankii Ciyaaraha Somaliland Mubaarig Yuusuf Cilmi (Mubaarig Bidhi)saraakisha ciyaaraha ee Gobolka Togdheer,mulkilaha Huteelka City Plaza,iyo dadweyne kalo badan.

Mr Karaciin oo Huteelka City Plaza ee  Burco kula hadlay dadkii soo dhoweyay ayaa aad ugu mahad naqay isla markaana waxa u ku hanbalyeyay reer Burco sidii wanagsanayd ee tartankii ciyaaraha ee ay marti galiyeen ugu dhamaadeen,sido kalena waxa uu amaan u soo jeediyay Mr Mubaarig Bidhi oo uu ku amaanay sidi wanagsanayd ee uu hawshi qabanqabada ciyaaraha u agaasimay iyo dorku ku laha,dhinaca kale Mr K araciin waxa uu isla maantaba u gudbay Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar halkaas oo ay iyana si weyn ugu soo dhoweyeen dadweyne badan oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Gobolka Saraar Ibraahin Xasan Cali iyo duqa degmada Caynaba Mr Khaliif Saleebaan Ismaaciil kuwaas oo amaan balaadhan u soo jeediyay doorka ay ku leyihiin horumarinta ciyaaraha iyo dhirigalinta dhalinyarada Jaamac Karaciin iyo Mr Mubaarig Yuusuf Cilmi,

Waxana ugu danbaynti Jaamac karaciin boqday goob ku taal magaalada Caynaba oo uu sheegay in uu ka dhisi doono Huteel weyn oo casriya iyo meel uu balan qaaday in uu ka dhisi doono Garoon kubadeed waxana uu kula dardarmay dadweynaha reer Saraared in ay gacmaha isu qabsadan horumarinta Gobolkooda.
Araweelonews Mobile Somaliand

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *