Beijing (ANN)Guddoomiyaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo socdaal ku jooga dalka China, ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la yeesheen saraakiil ka tirsan xisbiga tallada haya ee dalkaa iyo masuuliyiinta xukuumadda  China. Sidaa
waxa lagu sheegay inay war saxaafadeed ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo u dhignaa sidan:-
“26-Dec-2011- Wefti ka socda Xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyey Safar ku joogay waddanka Shiinaha, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda Gobolka Hubei ee Wuhan oo ku taala badhtamaha dalka China, kana mid ah magaallooyinka ugu faca iyo taariikhda weyn dalkaas.
Wuhan waa magaalo caan ku ah Ganacsiga, Wershadaha iyo Sayniska, halkaas oo ay degan yihiin Shirkado caalamiya oo shisheeye, waxaana ku yaal Jaamacado caan ah oo ay ka mid yihiin Laser City iyo The Wuhan University, waxaana ku nool dadyow jinsiyado kala duwan ka soo jeeda oo tiro badan.
Waxaa magaalada Wuhan habeen-hore gaadhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wefti uu hoggaaminayo oo todobaadyadii u danbeeyay  ku joogay dalka China, kuwaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magalada Wuhan, halkaas oo ay kaga hortageen, isla markaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Ardayda iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladaa ku dhaqan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan magaaladaas Mr. Ciise.
Shalay waxay Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland Weftiga KULMIYE Xaflad soo dhawayn ah ugu sameeyeen magaaladaas, halka Xalayna Casho-sharaf loogu sameeyey isla magaaladaas, taasoo ahayd mid Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa lagu sagootiyey.
Weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, muddada ay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha waxay la kulmen soo dhawayn kala duwan iyo qaabbilaado heerkoodu sarreeyo ee ay ka heleen Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyin kala duwan oo Shiinaha ah, Masuuliyiin ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Xisbiga talada dalka Shiinaha haya, halka ay kulammo kala duwan la yeesheen Saraakiil kala duwan oo ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka dalka Shiinaha.” Ayaa lagu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *