Gudida Doorashooyinka Qaranka Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Caqabadaha Horyaal  Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Guddida diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu usoo gudbiyeen Ururradii ka soo gudbay qiimaynta ay sameeyeen,  sidaa awgeed ay dhowaan bilaabayaan qaabkii ay ku wada hawl-geli lahaayeen

 

Koomishanka iyo Ururrada soo baxay.
Sidaana waxa warbaahinta u sheegay maanta  ku sheegay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka  Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geele), oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta guud ee Komishanka,  isagoo cadeeyay in Gudida diwaan-gelinta Ururadu usoo gudbiyeen lix Urur oo ka soo gudbay qiimayntii Ururada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlya yidhi,  “Waxa Gudida diiwangelintu ay noo soo gudbiyeen Liiska Ururradii soo gudbay , taas oo ay anagana (Komishanka), wax badani nagaga xidhnaayeen”ayuu yidhi.

Af-hayeenka Komishanku wuxuu sheegay inay Gudi ahaan maalintii shalay la kulmeen, wuxuuna yidhi, “waxaanu la kulany  Ururrada siyasada ee soo gudbay iyo Saddexdii Xisbi qaran ee hore, waxaanu ka wada hadlay qaabka aanu wax u  wada bilaabayno. Anagu laba sandood waxaanu u xanibnayn hawsha Guddida diiwaangelintu wadayn,  laakiin hada wixii oo dhan gacanta ayaanu ku haynaa. Ururradana waxaanu ku war gelinay inay is abaabulaan xaggooda, waxaana naga dhiman oo kaliya inaanu la soo tashano qolyihii aanu saaxiibada ahayn ee naga caawin jiray Doorashooyinka, kuwaas oo aanu ugu tegayno dhowaan Nairobi”ayuu yidhi.
Af-hayeenku ma sheegin xili ay qabanayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka oo muda dhaaf ah, balse waxa uu sheegay inay sugayaan kharashkii  ay hawsha ku bilaabi lahaayeen oo ay qaybtiisa hore ka sugayaan  Xukuumadda Somaliland, qaybta kalena ay bixinayaan Qadhaan-bixiyeyaashu. Sidaa awgeed aanay xiliggan sheegi karin waqtiga la qabanayo doorashooyinkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *