Hargeysa(ANN)Maalintii saddexaad ee Ololaha nadaafada Somaliland ayaa ku beegnaa Arabacadii maanta ee 8 Dec, 2010, waxaana saaka laga dareemayay dhaq-dhaqaaq ku wajaahan ololaha nadaafada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Magaalada caasimada ah ee Hargeysa  waxa

 hawlgalka ololaha nadaafada dadweynaha kala qayb galay  Madaxweyne Xigeenka Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha  C/raxmaan C/llaahi  Seylici oo ay wheliyeen xubno ka mid ah masuuliyiinta qaranka, Maayarka  iyo  masuuliyiinta heer gobol.
Iyadoo magaalooyinka kale ee Somaliland ay maalinta Ololaha nadaafada kala qayb galeen dadweynaha masuuliyiinta golayaasha deegaanka iyo gudoomiyayaasha gobolada, balse muuqaalka ayaa aad uga duwanaa kii maalmihii ka horeeyay, marka la eego diyaargarawga maalinta saddexaad ee qashin gurista. Tusaale ahaan Magaalada Hargeysa   oo ay ololaha nadaafada kala qayb galeen Madaxweyne xigeenka C/raxmaan Seylici oo ah ku simaha madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo goobo gaara tegey. Laakiin dadweynaha ayaa sidii la filayay aan ugu soo bixin ololaha, marka loo eego maalmihii u horeeyay, isla markaana xiligii uu dhamaaday ololuhu waxa wadooyinka laamiga ee Magaalada Hargeysa  iyo meelo ka mid ah xaafadaha ka muuqday qashin lagaga tegey, iyadoo inta badan qashinka halkiisa lagu gubayay maanta, taas oo qiiq iyo saxa xumo aan loo baahnayn horseeday.
Madaxweyne xigeenku mudadii uu ololaha kala qayb qaadanayay dadweynaha caasimada wuxuu booqday Biriishka labaad ee Magaalada Hargeysa oo dhismihiisu socdo.
Magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa sidan oo kale aan Ololaha nadaafada ee qashin gurista loogu soo bixin sidii maalmihii ka horeeyay, waxayna dad badani u arkaan inay hawsha Ololaha ee qashin ururinta oo ay xukuumadda dhexe ku dhawaaqday fursad siisay masuuliyiinta golayaasha deegaanka oo ay shaqadoodu ahayd inay qashinka magaalooyinka ka nadiifiyaan, balse tan iyo intii ololaha nadaafadu galay wareegii labaad waxa isa soo tarayay dhaliilo ay shacbigu ugu jeedinayaan xukuumadda cusubi  talaabada ay qaaday oo ah mid wanaagsan. Laakiin ay gabood u noqtay inay  masuuliyiinta shaqada nadaafada magaalooyinka ee golayaasha deeganku ku gabadaan oo ay shaqadoodii kaga seexdeen, iyadoo ay qaar ka mid ah bulshada maagaalooyinka waaweyni tilmaamayaan in waqtigan aan qashin la gurin oo ay ka seexdeen Ha’yadihii ku shaqada lahaa, kuwaas oo la suga maalinta Ololaha nadaafada.
Si kastaba ha ahaatee Ololaha qashin gurista ayaa si weyn ugu muuqday mid aan qorshe iyo nidaam ku socon oo aany bulshadu uga qayb qaadan sidii maalmihii ka horeeyay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *