Hargeysa(ANN) Hay´adda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha (Amnesty International), ayaa si kulul u canbaaraysay  sida ay  dawlada  Kenya ula dhaqanto qaxootiga Soomaalida ah ee ka soo cararay dagaaladda ka socda gudaha dalka Soomaliya, sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay

 hay”addu soo saartay maanta oo loogu tala galay maalinta xuquuqda aadamaha oo ku beegan 10 De, 2010.
Warbixintu waxa ay ka dhawaajisay in tobanaan kun oo dadka Soomaaliyeed ah oo ka soo bara kacay dagaaladda Somaliya daaqayaan khataro badan oo ay kala kulmaan xadgudubyo iyo tacadiyo loogu geysto dalka Kenya.
Warbixinta Amnesty International, oo cinwaan looga dhigay “Ka Yimid Nolol Aan Nabad Lahayn,  Tagayna Nabad Aan Nolol Lahayn”, waxay si mug leh uga warantay meel ka dhacyadda loogu gaysto dadka soomaalida ah ee qaxoontiga ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya,  sida magaalooyinka, xeryaha qaxoontiyadda iyo dhinaca xadka.
Warbixintan ayaa sheegay in shaqaalaha amniga ee Kenya ay si qasab ah dib ugu celiyeen dalka Soomaaliya dad magangalyo doon ah,  ama qaxootinimo  ku dalbaday lacag laaluusha ah, iyagoo sabab la´aan u xidha iyo in qaarkood la iska qabto.
Xadka u dhaxeeya labada dal ayaa xidhnaa muddo afar sano ah,  kadib dagaalada Soomaaliya markii ay soo xoogaysteen oo ay halkaa xidhay dawlada kenya.
Waxaa tan loola jeeday in ay Kenya lagu sugo ammaankeeda. Balse Amnest International ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaalidu ay wali soo galaan Kenya, iyagoo soo mara dhinaca xadka. Hase yeeshee, maadaama rasmiyan uu xadku xidhan yahay, lama diiwaangaliyo, sidaa darteedna xukuumadda Kenya ma oga tirada soo gasha dalkeeda ee qoxootiga kasoo cararaya dhibaatada iyo dagaalada ka socda Somalia.
Kooxda xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in qaxootigu ay ka cawdaan ammaan xumo ka jirta xeryaha qaxootiga ee dadku aadka ugu badan yahay, taasoo qayb ahaan ugu wacan in ay ku sugan yihiin qaar niyadda ka taageersan kooxda maleeshiyada Islaamiyiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa soo gudbisay eedeyn ah in qaxootiga marmarka qaar loo adeegsado inay bartilmaameed u noqdaan kooxaha dadka u qora Al-Shabaab iyo xitaa ciidamada Kenya oo ka dhex raadiya dagaalyahanno ay ka horgeeyaan maleeshiyooyinka dhinacooda.
Dhinaca kale qaxootiga Soomaalida ah ee gaadha meelaha magaalooyinka ah, Amnesty International,  waxay sheegtay inay u nuglaadaan xadgudubyada booliiska.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dhowr boqol oo Soomaali ah booliisku ay ka uruuriyeen xaafadda Soomaalidu ku badan tahay, oo ay qasab ku saareen baabuur waawayn.
Booliiska ayaa sheegtay inay ku howljireen raadinta soo galootiga sharci darada ah, balse dad badan oo sharci haysta ayaa la soo xaabiyay intii howlgalku socday.
Warbixinta Amnesty International waxay ku baaqaysaa in bulshada caalamku ay gacan dheeraad ah ka siiso qaadashada mas´uuliyadda ka saaran martigalinta qulqulka qaxootiga soo gala dalkeeda.
Mid ka mid ah xeryaha qaxootiga lagu hayo, Dhadhaab ayaa hadda ah magaalada shanaad ee dalka Kenya ugu dadka badan, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii ilaa saddex boqol oo kun. Sida ay sheegtay warbixintu.
Warbixintan Amensty International, waxa ay tibaaxday in xaaladdaha halkaa ka jiraa ay yihiin kuwo argagax leh oo aad looga naxo. Sidaa awgeed waxay ku baaqday in xaalada aan la eegan karin wax laga qabto.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *