Hargeysa(ANN) Masuuliyiinta Xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo UDUB ayaa maanta markii ugu horeysay kulan ku yeeshay xarunta xisbiga UCID ee Magaalada Hargeysa. Kulanka

 

oo albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana aan  saxaafadda loo ogolayn waxa  dhinaca xisbiga UDUB ka socday koox uu hogaaminayay  ku simaha guddoomiyaha xisbigaa,  ahna guddoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirkii hore ee maaliyada Cawil Cali Ducaale,  Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub iyo badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud, iyadoo  dhinaca xisbiga UCID, kulankaa uga qayb galeen guddoomilyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo  Afhayeenka xisbiga Xasan Xuseen Codyare.
Ma cada ujeedada kulanka masuuliyiintaa iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, balse markii uu kulankaasi dhamaaday ayay guddoomiyeyaasha labada dhinac si kooban uga hadleen waxyaabihii ay isla soo qaadeen waxaanay tilmaameen in kulankoodan ay kaga arrinsanaayeen waxyaabo iyaga gaar ah u ah.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in kulankoodu ahaa mid ay kaga arrinsanayeen waxa laga yeelayo doorashada golayaasha deegaanada oo ah kuwo muddo dhaaf ah wuxuuna yidhi,  “Maanta waxaanu wada shiraynay xisbiga mucaaradka cusub ah ee UDUB, waxaanu ka wada hadlay waxa dalku ku dhisan yahay oo ah doorashooyin, Waxaad ogtihiin in doorashadii Madaxtooyadu si wanaagsan inoogu qabsoontay, waxaad ogtihiin in golaayashii deegaanku ay siddeed sanadood fadhiyeen, markaa waxa aanu ka wada hadalnay sidii aanu mawqif midaysan uga yeelan lahayn waxa laga yeelayo doorashada golayaasha deegaanada oo ah muddo dhaaf” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna ku simaha Axmed Yuusuf Yaasiin oo  ka hadlayay waxa ay kawada hadleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga UCID ayaa yidhi,  “Waxa aanu ka wada hadalnay arrimo badan ta ugu horeysaana waxa ay ahayd diiwaangetlintii codbixiyayaasha ee doorashadii ugu danbaysay taas oo uu madmadaw badani soo dhex galay”
Kulankaa oo u muuqday mid qorshihiisu ahaa sidii ay labada xisbi ee mucaaridku isu kaashan lahaayeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisu ah ee ay isku soo horfadhiistaan dhinacyada xisbiyada mucaaradka ahi mudooyinkii u danbeeyay, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo xisbiga UDUB ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada 26 Jun 2010, wixii ka danbeeyay u muuqday mid hagaasay, isla markaana ay soo waajahaday kala qaybsanaan iyo inay kooxo u kala jabaan, iyadoo kooxda uu hogaaminayay Madaxweyne xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ee maanta kulanka la yeelatay kooxda UCID ee Faysal Cali Waraabe ka mid tahay garabyada wixii ka hadhay xisbiga UDUB u kala fadhiyaan. Si kastaba ha ahaatee kulanka labada dhinac ayaa u muuqda mid ay ugu gogol xaadhayaan sidii ay u waajihi lahaayeen xisbiga Kulmiye oo isagu ah hada ka  talada dalka haya, balse waxa muuqata kala daadsanaanta  iyo khilaafka xisbiga UDUB iyo tamardarada xisbiga UCID ee waqtigani in aanay suurta gelinayn awood buuran oo xukuumadda cusub kaga timaada dhinaca kooxaha mucaaridka, ka hor inta aanay labadaa xisbi dib isu habayn, isla markaana xal u helin mushkiladaha iyo duruufaha ku xeeran wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee Jun 26 2010, dalka ka qabsoontay ee lagaga guulaystay.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail;
Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *