odayaasha muqdisho18mayHargeysa(Araweelo News Network)Madax dhaqameedka ka socday Soomaaliya ee muddooyinkan joogay Somaliland ayaa ka qaybgalay dabaaldegii xuska munaasibadda 18-ka May ee shalay ka dhacay

 

magaalada Hargeysa, kuwaas oo oo intii ay xafladaasi socotay taagnaa madaxweynaha Somaliland garabkiisa bidix, isla markaana daawanayay sida ay u dhacaysay munaasibaddaasi xuska 18-ka May.Suldaan C/Casiis Cumar Daad, oo ka mid ahaa Cuqaasha kala qaybgalay daawashadda munaasibaddaasi madaxweynaha Somaliland, maasuuliyiinta qaranka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda, oo ka dib markay xafladaasi dhamaatay warbaahinta wax ka waydiisay sida uu u arko xafladaasi iyo guud ahaan wixii uu ku arkay intii uu joogay Somaliland.

Suldaan C/casiis Cumar Daad, oo ku magac dheer Suldaan Daad, oo ka hadlay sida uu u arko dabaaldegani iyo dareenkiisa waxa uu yidhi “Maanta (shalay) xafladani aanu aragno iyo labadii toddobaad ee aanu Hargeysa joognay, waxaanu soo aragnay waxay mudan tahay ama istaahisho Somaliland waxaanan odhan lahaa wxaa garnaqsi ugu filan heesta ah dadkaygu hadduu tashaday maxaa loo daba socdaa, anaguna waxaanu taasi kaga jawaabanaa, haddii aanu nahay madax dhaqameedkii Soomaali waxaanu soo dhawaynaynaa xoriyadda Somaliland, waxaanu aqoonsanaynaa si buuxdana u aqoonsanaynaa xorriyada Somaliland, waxaananu idinka codsanaynaa mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar afraadba dawlada Soomaaliyeed oo maanta taagan oo lagu naaloodo Somaliland ayaa jirta, mar hadaad isku tashateen, hal shay oo idinka dhimanaa oo ah aqoonsigana maanta ayaanu idinku wareejinaynaa, waxaanan doonayna ain caalamku ogolaado, soona dhaweeyo, aqoonsi buuxa ayaan siinay in ay dawlad buuxda tahay. dareenkayaga ma cabirayno, ee dalka Soomaaliya anaga ayaa wakiil ka ah, waxaan anaga ahayn oo wax saxeexi karaana ma jiraan.”

Suldaan Axmed Maxamed Barre, oo isna arrintaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxan ka mid ahay odayaasha ka yimid Muqdisho ee u yimid xafladan iyo Somaliland in ay arkaan maanta waxaan soo xasuustay 24 sano ka hor wixii aanu arki jirnay, waxaan arkay dad iyo dawlad tashaday, oo wanaagooda xasuustay waxaan leeyahay dadkani way istaahilaan in la ictiraafo.”ayuu yidhi Suldaan Daad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *