xuska18may15Hargeysa(Araweelo News Network)Maalinta qiimaha badan ee loo balamay ayaa si weyn looga xusay guud ahaan waxa gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland iyo weliba daafaha dunida

xuska18may13

oo dhan. Xuska 18 May ee sanadkan waxa uu ahaa mid shucuurta iyo dareenka bulshada oo  si wayn oo qiiro waddaninimo iyo xamaasadi ku dheehan tahay looga dabbaaldegay, waana sannad-guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay maalintii ku dhawaaqista madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegnayd 18-kii May 1991. Markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay in Somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideedii.

xuska18may14xuska18may15Munaasibada 18-ka May ee sannadkan waxa markii u horreysay goob-joog ka noqday madaxdhaqameed iyo odayaal ka socda dalka Soomaaliya oo booqasho indho-indhayn ah oo muddo toddobaadyo ah ay ku joogay Somaliland, kuwaas oo dabaaldega xuska 18 May dhinac fadhiyay Madaxweynaha Somaliland.
xuska 18 may11xuska18may12
Madaxdhaqameedkaa Somalia waxa u suurta gashay inay markhaati ka noqdaan go’aanka dadweynaha reer Somaliland ee madaxbannaanida ay ku muujinayeen maamuuska qaranimadooda iyo gooni-isu-taagga ay ka go’antahay inay ka midho-dhaliyaan. Sidoo kale waxa xuska munaasibada 18 May ee sanadkan uu soo jiitay dad ajaanib ah oo isugu jira kuwa dalalka reer Galbeedka iyo kuwo u  dhashay dalalka qaarada Eeshiya, kuwaas oo qaarkood iyagoo ku lebisan calanka Somaliland oo ay dhar ka tosheen ka mid ahaa dadweynihii socodka ku maray waddada wadnaha magaalada Hargeysa, waxayna munaasibadaa la qaysadeen shacbiga Somaliland.

japaniska iyo somalilanderka oo wada jir u xusaya 18 mayxuska185Arrimihii iyo kuwo kale oo badan ayaa ka mid ahaa waxyaabaha mucjisada ah ee xuska sanad guurada 23aad ee 18 May ku cusbaa, iyadoo muuqaalada Calanka Somaliland hadheeyeen fagaarayaasha lagu xusayay oo calamada qaarkood laga sameeyay kuwo gaadhaya boqolaal mitir oo xidhiidhsan.japanis xusaya 18 may

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *