madaxweynaha18mayHargeysa(Araweelo News Network)Kumaan qof ayaa waaberigii Magaaladda Hargeysa isugu soo baxay shaaracyada waaweyn ee magaalada, kuwaas oo ku qulqulayay goobta loo qorsheeyay

 

xuska munaasibadaa oo amankeeda aad loo adkeeyay.
Dhawaaqyada shucuurta iyo wadaniyadu ka muuqatay iyo sameecadaha dhegaha dadku ku raaxaysanayeen oo baxayay ilaa xalay ayaa kusoo ururay barxada loo qorsheeyay munaasida oo ahayd wadada laamiga ah ee wadnaha Magaalada Hargeysa.

Kumanaan qof oo ku lebisan astaanta qaranka iyo calanka Somaliland ee sadexda midab ayaa muuqaalka u bedelay wax layaab ah, waxaana lagu soo bandhigay baraxada munaasibadaa oo gaada ka cayaar ku maray ciidamada kala duwan ee qaranka, ururadda bulshadda, Ardayda iyo iskaashatooyinka iyo Hay’addaha dawlada oo kuwaas oo gudbinayay muuqaalo iyo midabo sii kiciyay shucuurta iyo dareenka dadka muwaadiniinta ah ee kasoo qaybgalay munaasibada 18 May.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad kooban oo qiiro leh ka jeediyay barxada hore ee dhismaha Madaxtooyadda oo loo qorsheeyay in dadweynaha lagala hadlo, wuxuuna qudbadiisa kusoo qaaday arrimo badan oo la xidhiidha qadiyada madaxbanaanida Somaliland, ahmiyada ay munaasibadani u leedahay shacbiga iyo arrimo kale oo ku waajahan Somalia.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya qadiyada Somaliland yidhi, “Haddii dadka qaar caad iyo ciiro ka saaran tahay waxaan u cadaynayaa in gooni isku taagga Somaliland uu maanta ka baarka jaray 23 sano oo gow ah, oo aanu salka ku hayn caadifad, hase ahatee tani waxay ka markhaati furaysaa mid gaamuray oo ka marag kacaysa qadiyadoodda, muddo kasta oo ay qaadanayso waxay dadkani diyaar u yihiin inay u dhabar adeegaan oo dhiig kale ku daadiyaan.
Waxaynu dhidibbada u taagnay dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen nabad-galyo iyo dhawrista xuquuqul aadanaha, iyo nidaam doorasho oo ku dhisan asxaab taas oo dunida in badan inagu majeerato.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay riyooyinka madaxda Soomaaliya waxa uu yidhi, “Walaalahayo Soomaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada.”
“Walaalayaal, Awrkii dhibaadda lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu lasoo noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuurro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo fariin u diyayay madaxda Somalia.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay ujeedada iyo himiladda Somaliland ka leedahay wadahadalada Somalia, isagoo yidhi, “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada Soomaaliyeed u horseedi kartaa in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa dawladihii sida hagar la’aanta ah gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi, haatanna diyaarka u ah inay sii wadaan dedaalkaas”.

Munaasibada 18 May ayaa si weyn looga xusay dhamaan gobolada dalka iyo deegaamada ay Somaliland ka koobantahay, iyadoo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo golayaasha qaranka kala qaybgaleen dadka munaasibadaa, kuwaas oo qaarkood dalaka Yurub iyo Maraykanka kala qaybgaleen muwaadiniinta ku sugan oo sameeyay munaasibado waaweyn oo lagu xusayay sanadguuradda 23aad ee kasoo wareegtay markii qaranimada Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991, taas oo ay Somaliland ku xaqiijisay in ay lasoo noqotay madaxbanaanideedii luntay 1 July 1960.

Dhinaca kale,Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo, ayaa xuska munaasibada 18 May kala qayngalay dadweynaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ugu hanbalyeeyay maalinta qiimaha badan iyo xuska munaasibada 18 May.
Sidoo kale masuuliyiin isugu jira wasiiradda xukuumadda Somaliland iyo golayaasha Baarlamaanka ee labada gole ayaa kala qaybgalay xuska munaasibadaa kumanaan dadweynaha gobolka Togdheer ee xaruntiisu tahay magaalada Burco oo ahayd halkii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqonshada xoriyada iyo madaxbanaanida Somaliland 23 sanadood ka hor.
Waxa sidoo kale munaasibadaa si weyn looga xusay Magaalooyinka Berbera, Ceergaabo Caynaba iyo guud ahaan dalka oo dhan, iyadoo dadweynuhu si xamaasad ah usoo baxeen xuska munaasibada 18 May ee 2014.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *