England(Araweelo News Network)Nin dukaan sandawiijka lagu iibiyo ku haysta dalka aan badaha lahayn ee Stafoordshire oo ka tirsan England, ayaa ciidammada Boolisku xidheen, kadib markii uu internet-ka ku baahiyey

kelmado kaftan ah oo uu wax kaga sheegay hoggaamiyahii Koonfur Afrika Nelson Mandela ee geeriyooday todobaadkan.

Ninkan oo la yidhaa Mr. Neil Phillis waxa uu sheegay in ciidammada bilaysku ka qaadeen dheecaanka DNA-da iyo faro, kadib markii ciidammadu heleen cabasho ku saabsan kelmadaha uu internetka ku baahiyey.

Ninkan oo 44 jir ah waxa uu internetka ku qoray kelmado u dhigna sidan; “Kombuyuutarkaygu waxa uu qaata inuu is bakhtiiyo waqti dheer, waxaanan go’aansaday inaan u bixiyo Nelson Mandela.”

Mr. Phillips waxa lagu xidhay gurigiisa, isagoo loo qaaday xarun Boolis, markii uu kelmadahan ku qoray mareegta Rugeley Soap Box, waxaannu yidhi; “Waxay ahayd khibrad aad u xun, waxa la iga qaaday faro iyo dheecaanka DNA-ga, iyagoo la wareegay kombuyuutarkaygii, waxaanay ahayd kelmado yar oo kaftan ah, wax nacayb ahna kumuu jirin weedhahayga.”

Sidoo kale, Mr. Phillips waxa uu qirtay inuu ka mid ahaa koox midigta fog ah oo la yidhaa BNP oo ka jirta dalka Ingiriiska, hase ahaatee wuxuu sheegay inuu 25 sanno ka hor arrinta ka fara baxay.
Ninkani waxa uu ka mid ahaa laba nin oo ciidammadu waraysanayeen, kadib markii dad badan ka cadhoodeen kelmado hoggaamiyahan wax lagaga sheegay oo internetka lagu baahiyey.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *