Maxkamad Xukunno Kala Duwan ku Ridday Suxufiyiin loo Haysto Kiisas Kufsi ah Iyo Haweenay Dhibane AhaydMuqdisho (Araweelo News Network) Maxkamadda Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa xukunno kala duwan ku ridday weriyeyaal loo haysto kiis

 

la xidhiidha kufsi, kuwaasoo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Mr. Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, ayaa lagu xukumay hal sanno oo xadhig la iibsan karo ah, halka gabadh weriye ah oo sheegatay in la kufsaday oo la yidhaa Fadxiya Cabdiqaadir lagu xukay lix bilood oo dibad-joog ah xabsi guri, sidoo kalena suxufi haweenaydaas waraystay oo lagu magcaabo Maxamed Bashiir ayaa lagu xukay lix bilood oo xadhig ah.

Agaasimaha idaacadda Shabeelle waxa lagu eedeeyey in idaacaddiisa laga sii daayey Aflagaado gef ku ah madaxda qaranka, iyadoo weriye Maxamed Bashiir iyo Fadxiya Cabdiqaadir lagu eedeeyey inay faafiyeen kufsi been-abuur ah oo ku lid ah suxufiyiin u shaqeeya warbaahinta dawladda Muqdisho, iyadoo waraysi muuqaal ah oo arrintaas la xidhiidhana lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee internet-ka, laakiin ciidammada booliska ayaa xidhay gabadha sheegatay in la kufsaday, suxufiga waraystay iyo Agaasimaha Idaacadda Shabelle, kuwaasoo lagu eedeeyey inay faafiyeen kufsi beer abuur ah iyo waxyaabo dhaawac ku ah dawladda Soomaaliya.

Saddexda suxufi ee xidhan, ayaa maxkamadda horteeda ka beeniyey eedaha loo jeediyey, balse waxay ku guul-darraysteen inay keenaan waxyaabo caddayn u is-difaacistooda, taasoo sababtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mr. Xaashi Cilmi Nuur ku dhawaaqo in saddexda weriye lagu helay dambiyo kala duwan oo ay xukun maxkamadeed ku mutaysteen.
Wuxuuna garsooraha kiiska qaaday waxba kama jiraan ka dhigay eedaha loo haystay labada Weriye ee gabdha dhibanaha sheegatay in ay kufsadeen, kuwaas oo ka hawlgala warbaahinta dawlada.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle iyo labada suxufi ee Maxkamaddu ku riday xukunka ayaa iibsaday xadhigaa.

Maaha markii u horaysay ee Dowladda Xasan Sheekh ciidamadeeda, Ciidamada Shisheeye eek u sugan Muqdisho iyo saraakiisha maamulka lagu eedeeyo falal gabdoodfalo kufsi iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, kuwaas oo ay kula kacaan Hablaha Soomaalida ah iyo haweenka kale ee maatada ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *