Hargeysa(Araweelo News Network) Xalay cawayskii ayaa lagu dilay Nin Soomaali ah Xaafada Axmed Dhagax ee koonfurta Magaalada Hargeysa, Ninkaa oo kasoo

jeeda Koonfurta Somalia ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Sheekh Axmed Cabdullaahi, kaas oo sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka Maydkiisa laga helay agagaarka garoonka Kubada Cagta ee Hargeisa Staduim.

Ninka oo aan la aqoonsan sababta dilkiisa iyo cidii fulisay, waxay saraakiisha Boolisku sheegeen dhawr xabadood lagaga dhiftay wejiga.

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay xalay baadhitaano la xidhiidha sidii loo heli lahaa cidii fulisay dilka Ninkaa, iyadoo maydka Marxuumka la geeyay Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *