Dubai(Araweelo News Network)Bangiga dhexe ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib

iskugu jira, kuwaas oo qoraalka lagu sheegay  in la xanibay hantidii u taalay bangiga kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Shaqsiyaadka la shaaciyay Magacyadooda waxa ku jira ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliyeed cali Axmed Nuur Jimcaale, Amiirka Al-shabaab iyo ashkhaas kale oo caan ah,  Sidaana  waxa lagu sheegay War kasoo baxay Bangiga dalka Imaraadka Carabta, kaas oo Bangigu ku go’aansaday  in hantida u taala shaqsiyaadkaa Soomaalida ah oo qaarkood ay haystaan Baasabooro dalal kale iyo xubno ajaaninb ah oo Al-Shabaab ka tirsan ka tirsan.

Liiska ay ku qoran yihiin magacyada shaqsiyaadka hantiadooda uu xanibay Bangiga dhexe ee Imaaraatka waxa ku jira hogaamiyaasha sare ee Xarakadda Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta, waxaana ka mid ah Axmed Cabdi Goddane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab, Sh. Fu’aad Max’ed Khalaf, Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan, Sh. Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo baxay,  haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira,  nin magaciisa lagu sheegay Max’ed Saciid Bashiir, Maxamed Maxamuud Xasan,  Mahad Cumar oo la sheegay inuu haysto Baasaboor Ethiopian ah, waxa kale oo xubnaha liiska lagu sheegay ku jira  nin kale magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo haysta dhalashada dalka Sweden,  ganacsade Cali Axmed Nuur Jimcaale oo ah ganacsade caan ah oo iska leh shirkaddo waaweyn oo ka hawlgala Somaliland, Somalia iyo wadamo kale,  Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Ameriki oo ah Nin dhalashadiisu tahay Maraykan, isla markaana ka mid ah Muhaajiriinta ka barbar dagaalama Al-shabaab. Sidoo kale waxa ka mid  ah Cabuud Rooggo oo horey Kenya loogu dilay, iyo Abuu Bakar shariif.

Bangiga dalka Imaraatka waxa uu sheegay inuu go’aankaa qaatay kadib isagoo fulinaya go’aan kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M oo tirsigiisu ahaa 1904 , isla markaana ku taariikhaysnaa 2009,  kasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay Al- Shabaab taageeraan.

 

Liiskaan dadka ku soo baxay ee Soomaalida ah waxaa ku jira Sh, Xasan Daahir Aweys oo haatan Al-Shabab kasoo baxsaday iyo ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo ay golaha wasiiraddu Q,M ka dalbadeen in xanibaada laga qaado.

Sidoo kale  Dawladda Soomaaliya, ayaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ka dalbatay in xayiraada laga qaado ganacsadaha Soomaaliyeed ee Axmed Nuur Jimcaale, kaasoo Golaha Ammaanku hore hantidiisa u xayiray, kadib markii lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay falal argagixiso.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shalay shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, ayaa dood dheer kadib isku raacay in ganacsadaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraad, kuwaasoo sidoo kale Golaha Ammaanka ka dalbaday inay la laalo xayiraada bishii February ee sannadkii 2012  lagu soo rogay ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo saamiyo ku leh qaar ka mid ah shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ganacsi balaadhan ku leh geyiga Soomaalidu degto iyo dalal kale.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdillaahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa sheegay in Golaha Wasiirradu aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baadhaan eedaha sheegaya in ganacsade Axmed Nuur Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in Golaha Ammaanku ay xayiraan dhaqdhaqaaqiisa.

Sida wasiirku sheegay, guddiga loo xilsaaray inay soo baadhaan arrinta Axmed Nuur Jimcaale oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka ee dawladda Federaalka, khabiiro amni iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah, ayaa in muddo ah waday baadhista xogta la xadhiidha eedaha loo jeediyay ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, isagoo wasiirku tilmaamay in hawlwadeennada baadhayey eedahan ay la xidhiidheen dhammaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay waraysteen qeybaha bulshada, gaar ahaana culimo, odayaal, ganacsato, iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha Wasiirada dood dheer kadib, ay go’aamiyeen in Mudane Axmad Nuur Jimcaale laga qaado xayiraada, loona soo celiyo xorriyadiisa shaqsiyadeed.

“Dawladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tixgeliso go’aankan,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo dhanka kale xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan si deg deg ah golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, wuxuuna dhanka kale xusay in go’aankani qeyb ka yahay dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dawladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xiggasho: Berberanews

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *