Hargeysa(ANN)Dab ayaa ka holcay maanta duhurkii Afaafka hore ee xaafada gol jano ee magaalada hargeysa, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhowaaad todobaatan qoys oo danyar ah. Ciidammada Booliska iyo dadweyne tira badan ayaa ka hawlgalay bakhtiinta dabkaas oo ahaa mid baaxad leh, iyaga

 

oo Ciidammadu watay Dabdamisyo iyo Booyado Biyo ah. Sidoo kale dabdamaisyada Shirkada Dahabshiil ayaa ka qayb qaadatay gurmadka dabkaa. Laakiin qaabka ay buulashaasi isu saaran yihiin ayaa keentay in la waayo meel loo maro Buulasha gubanaya oo xataa ay adagtahay in qof dhexmaro. Balse waxa lagu guulaystay in la baqtiiyo dabkaa ka hor inta  aanu ku fidin dhismayaasha kale ee u dhow.
Dabka ayaa ksuoo beegmay xiliga ay wadooyinka magaaladu ugu saxmada baddan yihiin ee duhurka,
Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, oo hoggaaminayey Booliska goobta dabku ka kacay, ayaa Saxaafadda u sheegay inaanay Boolis ahaan aanay weli aqoonsan  sababta dabkaa dhalisay, hase ahaatee ay baadhayaan wixii dabkaasi ka  dhashay iyo khasaaraha uu keenay labada-ba.

Mar Taliyaha Booliska la waydiiyey inay jiraan dad wax ku noqday dabkaas, waxa uu sheegay in illaa hadda loo sheegay in ilma yar oo carruur ahi ku geeriyooday mid ka mida Guryaha dabku qabsaday oo Cooshado iyo Buulal u badnaa, isla markaana ku yaalla Xabaalaha Gol-janno, halkaas oo ay dad danyar u badani dagganayaaneen, kuwaas oo u degay qaab habaqle ah oo Buulba Buul dul-saaran yahay, isla markaana cidhiidhi ah oo aan lahayn wadooyin.

By,  Arraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *