Qaybtii 3aad

 

waxyaabo fursad siin kara kooxaha  doonaya in aan hore loogu talaabsan isbdelka dhabta ah iyo rabitaanka bulshada inta badan ee doonaysa in la qaado dhabaha dumuqraadiyada iyo qaabkii lagu heli lahaa maamul kooban oo  tayo  leh, taas oo ah sida keliya ee  bulshada horumar iyo caddaalad gaadhsiinaya.

 

 

 

 

 

Xaqiiqdii gudida uu madaxweynaha cusubi magcaabay ee u wakiishay inay kasoo taliyaan qaabkii lagu samayn lahaa dawlad kooban oo dalka iyo dadka u adeegta ayaa muujisay sawirka dhabta ah ee hogaaminta iyo dumuqraadiyada Axmed Siilaanyo, sababtoo ah, gudidaa ayaa ahaa kuwo ka kooban aqoonyahano, siyaasiyiin, culimaa’udiin iyo ganacsato, kuwaas oo aan inta badan xubno iyo xilaltoona ka hayn xisbiga madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxa gudidaa ku jiray Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ahaa musharixii u tartamayay jagada madaxweyne xigeenka ee xisbiga UCID, waxayna dad badani ku tilmaameen talaabadaa oo ahayd tii u horaysay ee uu qaaday Axmed Siilaanyo inay tahay mid ay ka muuqato talo wadaag iyo dumuqraadiyad, isla markaana iftiimisay sida ay uga go’antahay inuu qaranka u mideeyo oo dhinaca wada tashiga iyo dhabaha dumuqraadiyada ugu hogaamiyo, taas oo ah jidka keliya ee ay Somaliland ku gaadhi karto horumarka, isla markaana kaga bixi karto nidaam beeleedka ragaadiyay horumarka iyo adeegyada bulshada dhawrkii sanandood ee u danbeeyay.

Hase yeshee kooxaha doonaya in aanay Somaliland u talaabsan dhinaca horumarka oo gabood ka dhigta nidaam beeleedka iyo qabaailka ayaa durbadiiba bilaabay inay shacbiga soo geliyaan sheekooyin ay dadka qaarkood ugu fasireen inay kooxdaa gudida uu magcaabay madaxweynaha cusubi yihiin kuwa iyagu soo magcaabaya dawlada cusub, waxayna durbadiiba u abtiriyeen xubnaha gudida, iyagoo si khaldan u fasiray ujeedada loo magcaabay iyo awooda gudidaba.

Laakiin markii ay gudidu soo celisay jawaabta hawshii uu Madaxweyne Axmed  Siilaanyo u xilsaaray todobaad ka dib, isla markaana ka codsaday inay dadweynaha u sheegaan waxyaabihii ay kusoo taliyeen, taas oo noqotay inay kusoo taliyaan dawlad ka kooban 15 wasaaradood oo aan lahayn wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal midna, isla markaana waxay gudidu talooyinkooda ku sharaxeen qaabka wasaaradaha loo dhisayo, iyadoo  uu madaxweynuhu leeyahay  oo go’aanka gudida qaadan karo, ama wax ka bedeli karol sidoo kalena iska dhaafi karo.

Sidoo kale gudidaa ayuu mar kale madaxweyne siilaanyo ka codasay inay soo dejiyaan qorshaha boqolka maalmood ee u horeeya marka lasoo dhiso xukuumada cusub, taas oo ay iyana taladii ay soo go’aamiyeen u gudbiyeen, isla markaana dadweynaha usoo bandhigeen.

Marka laga yimaado arrimahaa oo shacbiga u muujiyay rajo iyo yididiilo, waxa maalmihii u danbeeyay soo baxayay dhaqdhaqaaqyo muujinaya kaanbayn ku wajahan dhinaca guriga uu degan yahay madaxweyha aan weli xilka loo dhaarin, iyadoo loolanku yahay mid kooxo ka tirsanaa xisbiga Kumiye iyo kuwo ka yimi dhinaca qurbuhu ugu xusul duuban yihiin in xilal loo dhiibo oo lagu daro dawlada cusub ee aan weli lagu dhawaaqin. Sidoo kale masuuliyiinta Ha’yadaha dawlada ee hore uga masuulka ahaa goobaha ilaha dhaqaalaha sida Baanka iyo Dekeda  ayaa iyaguna ku asqeeyay guriga uu degan yahay Axmed Siilanyo Odayaal iyo Ergooyin ay siiyeen aduun badan si ay uga hawlgalaan inaan laga bedelin xilalka ay hayaan oo ay kooxahaa Odayaashu ugu qanciyaan madaxweynaha cusub inay sii hayaan xilka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *