Hargeysa (ANN) Caawa caweyskii fiidnimo ayaa laga helay agagaarka saldhiga Bilsyka ee koodbuur oo ku yaal woqooyaga magaalada Hargeysa maydka Nin la garanwaayay. Sidaana waxa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews qaar ka mid ah saraakiisha Bilayska.
Ninka maydkiisa laga helay caawa
halkaa, waxay saraakiishu sheegeen in loo malaynayo inuu ahaa qof xanuunsanaya, iyadoo ay ciidanka baadhista CID baadhayaan sababta dhimashada maydkaa, balse waxa jira warar kale oo saacado ka dib shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay Bilayska oo sheegaya in Maydka Ninkaa la gartay oo ay eheladiisu u yimaadeen
Dhinaca kale Madaxweynaha weli sii haya xilka ee lagaga guulaystay doorashadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoyskii uu ka baxay muwaadin ka yimi dhinaca qurbaha oo xalay saqdii dhexe ay toogasho ku dileen askarta ilaalada madaxtooyada. Ka dib markii gaadhi ay saarnaayeen marxuumka geeriydooday iyo labada qof ee la socday tacshiirad rasaas ah ay ku fureen askartu, taas oo sababtay inuu geeriyoodo muwaadinkaasu, iyadoo labdii la socdayna mid ka mid ahi dhaawacmay. Ka dibna ay askartu xabsiga u taxaabeen.
Sida ay xaqiijeyeen warar laga soo xigatay ciidanka amaanka Askarta ilaaladu madaxtooyada somaliland ayaa tacshiirad rasaas ah ku furay gaadhiga ay wateen saddexdaa Nin, kaas oo ku dhwaaday albaabaka danbe ee madaxtooyda. Waxaana halkaa ku geeriydooday Muwaadinka magaciisu ahaa Cumar C/risaaq Cigaal, kaas oo isla xalay maydkiisa la geeyay abaaro 12kii cusbitaalka guud ee magaalada Hargeisa.
Marxuumka geeriyooday ayaa sida ay xaqiiiyeen eheladiisu waxa uu ka yimi wadanka Ingiriiska, waxaanu ka mid ahaa qurba jooga wadanka ku yimi fasaxa.waxaana shilkaa ku dhaawacmay mid kamid ah laba nin oo la socday.
Ilaa hada lama oga sababta keentay shilkan sababay dhimashada iyo dhaawacaba, hase yeeshee siday noo xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa goobta shilku ka dhacay in marxuumka iyo dadka la socday ay ahaayeen kuwo qariib ah oo aan garanayn wadada ay marayaan , isla markaana laga yaabo inay ku khaldameen jidka xafiiska UDUB iyo xeer ilaalinta u dhaxeeya kaaas oo si toos ah ugu beegan mid kamid ah albaabada danbe ee madaxtooyada.
Sidoo kale labadii nin ee kale ee la socday marxuumka ayay ciidanka boolisku u taxaabeen saldhiga dhexe halkaas oo su’aalo lagu waydiinaayo. Ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay booliska oo ku saabsan arintan, hase ahaatee maydka marxuumka ayaa xalay ku baryaya qolka maydka ee cusbitaalka guud.
ciidamada amaanka ayaa xalay galay heegan culus, iyadoo gaadiidka aad loo hubinayo, mana aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ciidanka amaanku tacshiirad rasaas miidaamo ah ku furaan gaadhi, balse waxa sidan oo kale dhacay falal ay ciidanka ilaalada madaxtooyadu isaga furan tacshiirado ay ku naf waayaan muwaadiniin aan waxba galabsani.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com