Hargeysa(ANN) Ciidamada amaanka Somaliland  ayaa bilaabay  hawlgalo dheeraad ah oo lagu adkaynayo nabadgelyada caasimada Hargeysa saacadii u danbeeyay, waxaana caweyskii caawa laga dareemayay wadooyinka magaalada Hargeysa dhaqdhaqaaq saayida oo ku saabsan

hawlaha nabadgelyada, iyadoo si dheeraad ah gaadiidkaa loo baadhayo. hawlagalada ciidamada amaanka ayaa sida warar shebekada araweelonews heshay sheegayaan ka danbeeyay. kadib markii maalintii shalay lagu qabtay Masjidka Cali mataan ee magaalada Hargeysa Nin loo malaynayo inuu ahaa Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah hogaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab ee Koonfurta Somalia ka dagaalama.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in Ninkaa ciidamada Bilaysku ka qabteen Masjidkaa. kadibna loo kexeeyay dhinaca saldhiga magaalada hargeysa. hase yeeshee caawa caweyskii ayay shebekada araweelonews la xidhiidhay qaar ka mid saraakiisha Ciidanka Bilayska si ay wax uga weydiiyaan  waxa ka jira warka sheegaya inay ciidamada Amaanku qabteen Nin loo maleeyay inuu yahay Muqtaar Roobow, balse saraakiisha amaanka ayaa u sheegay aarweelonews in Ninkaa la qabtay aanu ahayn Muqtaar Roobow, “Ninka La qabtay muu ahayn Muqtaar Roobow. laakiin wuxuu ahaa Nin ganacsade ah oo muwaadin ah, waana la sii daayay. kadib markii la hubiyay, waxaana uu ahaa Nin aan shaqo ku lahayn Al-shabaab iyo Roobow midna oo la wanjalay.” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidnaka Amaanka oo  caawa caweyskii shebekada Araweelonews weydiisay jiritaanka warkaa, wuxuuna sarkaalku ka cudurdaartay in la iscicmaalo magaciisa.
Dhinaca kale hawlgalada ay ciidamada amaanku ku feteshayaan gaadiidka wadooyinka magaalada hargeysa ayaa ka danbeeyay  sida ay u xaqiijiyeen saraakiisha amaanku shebekada Araweelonews warar sheegaya  inay jiraan dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha kooxaha Al-shabaab  iyo xubno loo malaylano inay ka tirsan yihiin kooxdaa oo dhinaca Somaliland soo galay,
Sidoo kale ilaa Afar  Nin  oo watay gaadhi Surf ah ayaa Ciidmada amaanka ee gobolka Togdheer  maalintii doraad ka qabteen Tuulo  dhinaca Woqooyi  Barri ka xigta Madaarka magaalada Burco, kuwaas oo  sida ay wararka shebekada arweelonews ka heshay halkaa sheegayaan inaan lagu qaban wax hub ah, balse looga shakiyay inay hawlgalo tahriib ah wadeen halkaa, waxaana jira warar sheegaya inay sahaminayeen meel ay mariyaan shidaal kootarbaan ah, balse ma jiraan warar xaqiijinaya inay kooxdaasi ahaayeen kuwo qorshaynayay hawlgalo kale oo la xidhiidha dhinaca amaanka.
 iyadoo ay ciidamada amaanku maalmihii lasoo dhaafay soo bandhigeen Hub iyo waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada oo lagu qabtay magaalooyinka Burco, hargeysa iyo Berbera, isla markaana ciidamada ayaa inta la ogyahay  falalkaa u qabtay  ila sadex Nin kuwaas oo laba kaa mid ah lagu qabtay magaalada Berbera, halka ka sadexaadna lagu qabtay magaalada hargeysa, balse mid ka mid ah kooxdaa ayaa sida ay saraakiisha amaanku sheegeen baxdasay, kaas oo la doonayay in la qabto, isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Todhdheer.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *