Maraykanka Oo Aqoonsaday Nin Ka Mid Ah Raggii Loo Tuhmayay Qaraxyadii Boston Oo Dhintay Iyo Xayiraad Lagu Rogay Dhaqadhaqaa Magaalada Loo Tuhmayo Ninka BaxsadayBoston(Araweelo News Network)Dagaal dhexmaray Ciidanka Booliska iyo laba nin oo loo tuhmay qaraxyadii ka dhacay Orodkii Maratoonka ee magaalada Boston ee

 

dhliyay khasaaraha badan ayaa sababay in uu dhinto Tamerlan Tsarnaev.

 

 

Balse waxa gadaal laga ogaaday in aanu u dhiman dhaawac kasoo gaadhay  weerarka Jimcihii xalay ku dhexmaray Booliska iyo Labadaa Nin ee lagu daba jiray. Kadib markii ay gaadhi ka dhaceen Watertown oo ah duleedka Boston. Laakiin dhaaca uu u dhintay ahaa mid kasoo gaadhay qaraxii dhacay.

Badhasaabka  Massachusetts Mr.  Deval Patrick, ayaa ku amray in ay dadweynuhu ku iraan guryohooda oo aanay ka furin cid aan ahayn Booliska ilaa amar danbe, iyadoo la mamnuucay in magaaladaa cidi gasho ama cidi ka baxdo, waxaana la fasaxay dhamaan Jaamacadaha magaalada iyo shaqaalaha.

Labada Nin Tamerlan Tsarnaev iyo Dzhokhar Tsarnaev oo isaga si weyn loogu raad joogo ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin  Islamic Jihad Union,  Dzhokhar Tsarnaev, 19,  u dhashay dalka Kyrgyzstan. Laakiin sida ay sheegayaan warbixino lasoo ururiyay oo ku saabsan labaa Nin ayaa sheegaya inay dalka Maraykanka soo galeen  intii u dhaxaysay 2003 -2002, iyagoo ka yimi Chechnya.

Xoggaha ayaa sheegaya in labada Wiil ay waxbarsho ka heleen dalka Maraykanka oo ay wax ka dhiganayeen Jaamacad ku taal Boston Mr.Tamerlan Tsarnaev oo la rumaysanyahay inuu yahay Ninka dhintay ayaa la sheegay u sheegay Boston University magazine 2010 inuu doonayo inuu noqdo Inengineer, isla markaana uu rajaynayo inuu qaato dhalashada Maraykanka oo ka kid noqdo maalin maalmaha ka mid ah  tartanka Feedhka ( U.S. Olympic boxing), isagoo  ka qaybgalay 2004 barnaamijka  feedhka lagu magcaabo Golden Gloves, wuxuuna xiliggaa sheegay in qoyskiisu dagaaladii  Chechnia 1990 u guureen dhinaca dalka  Kyrgyzstan.

Anzor Tsarnaev oo ah aabaha dhalay Tamerlan Tsarnaev ayaa warbaahinta u sheegay in uu Telefishnka ka arkay wiilkiisa oo dhintay, wuxuuna intaa ku daray in aanu ka war hayan xidhiidh uu la lahaa ururada Argagixisada aduunka iyo urur diimeed midna, balse inta uu ka ogyahay uu wiilkiisu waxbarasho u joogay halkaa.

Dhinaca kale Booliska ku daba jira ninka maqan oo la rumaysan yahay inuu yahay Dzhokhar Tsarnaev, iyadoo ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya inuu qof kale oo xidhiidh la leh alabaa nin, isla markaana qayb ka ahaa weerarka qaraxyada Isniintii ka dhacay Boston.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *