London(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo boqolaal qof kala hadlay kulan caawa uu la yeeshay Jahliyada Somaliland ee Uk, ayaa

 

si cad u sheegay in aanay xukuumaddisu ka qaybgelayn shirka dhowaan lagu qabanayo London ee arrimaha Somalia.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in Madaxda Dawlada Britain ay mawqifkooda hore ugu gudbiyeen, isla markana kulankii u danbeeyay ee dhexmaray Raysal Wasaaraha Britain David Camaroon uu sidaa ugu cadeeyay mawqifka shirkaa ee xukuumadda Somaliland.

”Wasaarad kamid ah Wasaaradda Dalkan Ingriiska ayaanu Ku Kulanay Dalka Itoobiya Waanu U Cadaynay Mow qofka Somaliland Ee Shirka London,Halkan Ingriiska Markaaanu Nimina Waxaan la Kulmay Raysal Waasaraha Dalkan Britain David Camaroon Waxaanna u sheegnay in Shirkaasi Somalia Khuseeyo,  Somaliland-na aanay ahayn Somalia, markaa waxanu ku nidhi shirka Somalia gudoominay kama qaybgelayno haddii aanu ahayn mid aanu gudoonkiisa wax ku leenahay oo aanu ka qaybgelayno anagoo laba dal iyo laba dawladood ah.” Ayuu Yidhi Madaxweyne Siilaanyo Oo caawa La hadlayay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Britain.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in aanay Somaliland ka xumayn Horumarka Somalia lala doonayo oo aanay  Xaasid ku ahayn wixii Caalamku tarayo ee ay soo dhowaynayaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ugu baaqay Bulshada inay ku kalsoonaadaan masuuliyada hogaamintiisa qaranka oo ay garab istaagaan, isla markaana aanay ka filin marnaba wax  wax u dhimaya qaranimada Somaliland, am aka hor imanaya mawqifka gooni isu taaga Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *