Somaliland Pr and Uk PMLondon(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalka Britain David Cameron, kulankaa oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwaasaraha Britain kaga

 

wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo arrimo kale.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa kulankaa kadib qoraal saxaafadeed kooban kasoo saartay ujeedada kulankaa oo ah kii ugu horeeyay ee hogaamiye ka socda Somaliland tan iyo markii ay lasoo noqotay madaxbanaanideeda la qaato  kulan khaas ah raysal waasaraha Britain, marka laga reebo shirkii 23 Feb 2012 lagu qabtay London oo Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgalay,  kaas oo Raysal wasaare David iyo madax kala kala socotay 53 dal ka qaybgaleen.

Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-   “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.

David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,

Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka kulankaa kadib ay soo saareen xukuumadda Somliland.

Halkan ka daawo Video muuqaalka Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Britain

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *