Muqdisho(ANN) Ugu yaraan nta la ogyahay 2qof  ayaa ku geeriyooday dersin kalena way ku  dhaawacmeen. Markii kolanyo Ciidamadda amisom oo marayay isgoysa KM.4 iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho rasaas ku fureen dad rayid ah oo halkaa ku sugnaa. Ilaa

 hada si cad looma oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamadda amisom rasaasta u fureen  iyo khasaaraha dhabta ah, balse dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay ciidamadda amisom oo wadada marayay rasaasta fureen markii ay isku dhaceen laba Bas oo kuwa caasiaga oo halkaa marayay, iyadoo waqtigaa ay wadada marayeen kolanyo ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee amisom.  Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa qaarkood marayeen wadada hareereheeda, halka kuwa kalena ay meherado yar yar ku haysteen agagaarka laamiga.
Waxaana jira warar sheegaya inay dadka ku jiraan laba caruur oo yar yar. Ciidamada amisom ayaan ilaa hada ka hadlin dhacdaa, mana aha markii u horaysay ee ay sidan oo kale rasaas ay  furan keento khasaare balaadhan oo sidan kale ah, balse ciidamada amisom waxay rasaas iyo madaafiic ku ridaan goobaha dadka shacabka ahi ku sugan yihiin, iyagoo ku dooda in meelaha noocaa ah ay kooxaha dagaaladu ka dhexeeyaan ka dhigtaan gabood. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *