Burco(ANN)Nin ku Hubaysan Mindi ayaa weeraray maanta Saldhiga Ciidanka Booliska Faarax Omaar ee Magaaladda Burco. Kadibna Qorri ka qaatay askari ka mid ah kuwa gaadhka hayay ee saldhigaa, isagoo u geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba askarta saldhigaa iyo dad ku sugnaa
oo shacib ah.waxaana halkaa ku geeriyooday laba qof oo midi tahay haweenay iyo askari, isagoo falkaa u adeegsaday Mindi iyo rasaas. Kadib markii uu tacshiirad ku furay. Sidoo kale waxa falkaa ku Dhaawacay Saddex qof oo isugu Jirra Booliska saldhigaa iyo dad shicib ah. Lama garanayo sababta uu falkaa u sameeyay ninkaasi, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in la qabtay ninkaa oo dhaawac soo gaadhay lugta, askartii iyo dadkii kale ee ku dhaacmay falkaa, kuwaas oo lagu dawaynayo cusbitaalka Burco.
ciidanka baadhista denbiyada CID, ayaa baadhaya Ninka falkaa geystay oo kasoo jeedo Goboladda Dhaxe ee Somaliya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com