Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibada dalka Talyaaniga Mr. Senatore  Alfredo  Mantica iyo wefti todoba xubnood ah oo uu hoggaaminayay oo socdaal shaqo ku

 

yimi Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigaasi ku qaabilay kulan socday saacad, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kaas oo u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan Saacad qaatay qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Wefti 7 xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibada Talyaaaniga Mr. Senatore  Alfredo  Mantica.
Weftigani Waxa ay sheegeen in ay ujeedada socdaalkoodu tahay u xogogaal noqoshada xaalada guud ee Somaliland .
Wasiirku xigeenku waxa uu madaxweynaha ku hambalyeeyey maamulka dawladnimo iyo kala danbaynta ka hanaqaaday Somaliland.
waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay in ay Somaliland ku wargeliyaan in ay dawladiisu si toosa ula shaqayn doonto dawlada Somaliland.


Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga waramay taariikhda iyo sooyaalka Somaliland, waxaanu sheegay in ay dawladda iyo shacbiga Somaliland-ba beesha caalamka ka sugayaan aqoonsi iyo in laga gacan qabto dedaalka ay la yimaadeen reer Somaliland.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dhinaca Weftiga waxa wasiirku xigeenka Arrimaha Debedda Mr. Senatore Alfredo Mantica kulankan ku wehelinaayey.
1. Elisabetta Belloni, Agaasimaha guud ee iskaashiga iyo horumarnta wasaaradda Qorshaynta ee dawladda Talyaaniga Rosa Anna Coniglio, Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta ee iskaashiga Afrika iyo Sub-sahariana.
2. Safiirka Dawladda talyaaniga u fadhiya Nairobi iyo Afar xubnood oo kale.”
kulankan waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirrada Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *