Hargeysa(ANN) Guddida qandaraasyada qaranka  Somaliland ayaa shaaciyay naadinta dhismaha xarunta u ah Wasaaradda Duulista Hawada iyo Hawada oo la iibinayo. Sidaana waxa saxaafada u sheegay Guddoomiyaha gudidaa Aadan Saleebaan Nugaal oo xusay in iibinta dhismaha wasaaradda oo ku

yaal meel farasmagaale ah loo raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay fursadaa uga faa’idaysan karaan muwaadiniintu oo ay tartanka iibka ka qayb geli karaan.

Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranku waxa uu sheegay in qandaraaska iibka xarunta wasaarada duulistu uu noqon doono mid xalaal ah oo aan loo faasixin si mad-madow ah, isagoo yidhi,  “Maanta waxaan baahineynaa hantidaa laga maarmey ee wasaaradii la tusay inay meel kale u guurto in ummada loo bandhigo oo waliba si xalaala oo mad-madow aanu ku jirin loogu bandhigo, waqti badana waanu siinay oo wuxuu qandaraaska iibka xaruntaasi socon doonaa shan iyo toban maalmood si qofkii doonayaa uga baaran dago.”
Mr. Aadan Nugaal wuxuu isagoo ka hadlaya dhinaca sharciga ee hantida qaranka yidhi, “Anagu waanu fulinaynaa amarka madaxweynaha, cid wax iska iibin kartaa ma jirto, Qodobka 12aad Distuurka Somaliland farqadiisa kowaad ayaa odhanaysa dhulku waa hanta guud oo ka dhaxeeya ummada mas’uuliyadiisana dowlada ayaa leh markaa qodobkaas ayaa lagu fadhiisiyay, farqadiisa sadexaadna waxa uu odhanayaa Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato gacantana ku hayso hantida ma guurtada ah, ama guurtada ah ee ummadu leedahay.”
Wuxuuna xusay  in Dhismahaa  la iibinayo ee Wasaaradda Duulista la dhisay xili aad u fog, iyadoo sida uu sheegay ay dhisatay  shirkadii Diyaaradaha ee Somali Airline.
Dhinaca kale dhawaaqan gudida qandaraasyada oo soo baxay. Kadib  markii mudooyinkii u danbeeyay ay warbaahinta Somaliland qaarkood qorayeen in la iibinayo dhismahaa xarunta wasaaradda oo ku yaal badhataha magaalada Hargeysa, taas oo ka dhalatay sida uu ku dooday wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo qorshahaa watay inay goobta ay ku taalaa tahay suuq oo aanay ku haboonayn xafiisyo dawladeed.
Go’aanka wasiirka ayaa ahaa mid uu ku doonayay inuu ku iibiyo xarunta wasaaradda isagoo aan marin nidaamka sharciga ah ee ay hada ku dhawaaqeen gudida qandaraasyadu, balse waxa lagu hakiyay amar Madaxweyne,  waxaana dhul looga asteeyay wasaaradda duleedka Madaarka Hargeysa. Dhimaha wasaaradan ee la naadiyay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ama dhul hanta dawladeed oo lagu baahiyo iibkiisa warbaahinta, iyadoo ay xukuumaddihii hore ee Somaliland si hoose uga iibin jireen ganacsatada dhulka danta guud iyo dhismayaasha dawladda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *