New York (ANN)Dawladda Nigeria ayaa markii ugu horaysay sharraxaad ka bixisay sababta  ay Ciiddamo ugu diri wayday dalka Soomaaliya, iyadoo  marar badan  Dawladda Nigeria laga codsaday inay  ka qayb  qaadato hawlaha ciidamadda nabad ilaalinta, isla markaana ay qayb

ka noqoto hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka wado Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa mar  uu ka hadlayay  shirka Qaramada Midoobay ee loo dhan yahay waxa uu sheegay in Dawladda Nigeria aanay xilligan ku arag Dalka Soomaaliya hawlgal nabad ilaalin ah,  Hase yeeshee dalkaasi looga baahan yahay hawlgal nabad lagaga dhaliyo. Sidaa awgeed aanay jirin nabad la ilaalinayo ee loo baahyahay  hawgal nabad dhalin ah.

“Inta badan waxaa nalagu yidhaahdaa (Nigeria),  maxaa uga soo bixi waydeen codsiga la’idiin jeediyey ee ah,  in aad Ciidamo u dirtaan Dalka Soomaaliya, Hase yeeshee maanta ayaan rabaa in aan idiin sheego xaqiiqada jirta, waxayna tahay,  Dalka Soomaaliya uma baahna  ama,  kama socdo hawlgal nabad ilaalin ah,  ee waxaan adduunka iyo Deeq bixiyeyaasha ogaysiinaynaa in dalka Soomaaliya ay muhiim tahay in laga hirgaliyo hawlgal nabad dhalin ah, kaas oo aanu khibrad u leenahay haddii aanu nahay Nigeria”, ayuu yidhi Madaxweynaha Dalka Nigeria Goodluck Jonathan.

Sidoo kale Goodluck Jonathan ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Nigeria ay xillgan diyaarisay in ka badan 1,000 askari oo loo diro dalka Soomaaliya, balse  waxa uu  shuruud uga dhigay bixitaanka Ciidankooda  inay  beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ka  bixiyaan gaadiidka lagu gaynayo dalka Soomaaliya.  sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Naygeeriya ay hakaasi u dirto ay yihiin Ciidamo noqonaya nabad dhaliyeyaal, maadaama aanay halkaa ka jirin nabad la ilaalinayaa ee loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo.

Hadalka balanqaad ah ee kasoo yeedhay Madaxweynaha Nigeria  Goodluck Jonathan ayaa waxa uu kusoo beegmay  xilli ay dhowaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika caddaadis xoog ah  ku saareen Dawladda Nigeria inay Ciidamo u dirto Dalka Soomaaliya. Hawlgalkii raja soo celinta ee sagaashanaadkii waxay Nigeria ka mid ahayd dalalkii ciidmadda keenay Somalia, waxaa waqtigaa lagaga dilay halkaa askar ka tirsan ciidamada Nigeria. 
Somalia waxa haatan ku sugan ciidamo lagu qiyaaso ilaa sideed kun oo ka yimi dalalka Ugandha iyo Burundi, kuwaas oo aan waxba ka bedelin xaalada Somalia ee magaalada Muqdisho, balse uga sii daray. Kadib markii dagaalada  halkaa ka socdaa  ee u dhexeeya dawlada taagta daran oo ay taageerayaan ciidamadda AMISOM iyo kooxaha Al-shabaab oo ay is bahaysanayaan xisbul islaam dagaal kala soo horjeedaan. Dagaaladaa oo khasaare dhimasho iyo dhaawac weyn gaadhsiiyay boqolaal qof oo shacbi aan waxba galabsan, kuwaas ay haleelaan madaafiicda iyo hubka ay labada dhinac isu adeegsadaan.
Si kastaba ha haatee ciidamadda  waqtigan ay iclaamisay Nigeria inay u dirayso ayaan laga rajo qabin inay xaalada wax ka bedelaan, waxaana suurta gal ah inay uga sii daraan xaalada iyo mashaakilka iska hor imaadka halkaa ka taagan. Sidoo kalena waxay talaabada ciidamo waqtigan lagu soo kordhiyo Somalia suurta gelinay inay kooxaha Al-shabaab taageero ka helaan  dagaalyahano shisheeye oo kusoo jaba muqdisho. Sidoo kale waxa suurta gal ah inay taageero horleh ka helaan Al-shabaab dhalinyaro Soomaaliyeed oo u arka Ciidamada shisheeye ee lagu soo kordhiyo Somalia kuwo duulaan ku ah dalkooda iyo dadkooda. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *