Washington (ANN) Xukuumadda Washington ayaa sheegtay soo dhowaysay dumuqraadiyada iyo nabada ka jirta Somaliland, isla markaana sheegtay inay si ka firfircoon sidii hore ula macaamili doonto xukuumadda Somaliland. Sidaana waxa sheegay  Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Johnnie Carson,

oo ka qayb galay kulanka qaramada midoobay ee ka socda halkaa ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan lagag hadlayay arrimaha Somalia, wuxuuna markaa ka dib  shir jaraaid oo uu ku qabtay halkaa ka  sheegay in Maraykanku uu siyaasad cusub kula dhaqmi doono qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, isla markaana xukuumadda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland si gaara ula macaamili doono maraykanku.
Sidoo kale wuxuu xusay kaaliyaha arrimaha debeda ee Maraykanku inay qaybaha maamul hoosaadyada iyo deegaanada qabaa’ilka iyagana la macaamili doonaan, taas oo ku wajahan qorshaha cusub ee siyaasada maraykanka ee Soomaalida.
“Waxaanu ka shaqayn doonnaa in aan si sidii hore ka firfircoon aan ula howlgalno dowladaha Puntland iyo Somaliland” ayuu yidhi Johnie Carson
Wuxuuna intaa ku daray  in Maraykanku wixii hadda ka dambeeyay uu kula dhaqmi doono Soomaaliya siyaasad laba geesood ah, isagoo sheegay  talaabada hore tahay mid lagu taageerayo heshiiskii nabadeed ee qorshihii Djibouti si looga dhigo mid loo dhan yahay, dowladuna noqoto mid howsheeda ka soo baxda.
” Wadada hore waa tii caadiga ahayd ee taageerada qorshihii nabadda ee Djibouti, dowladda ku meelgaadhka ah ee TFG iyo dowladda Sheekh Shariif si la isugu dayo in laga caawiyo in ay noqoto mid waxgal ah si looga dhigo mid loo dhan yahay, si loo siiyo awoodda ay dadkeeda ugu gudbin karto adeegyada loo baahan yahay, waxaan kaloo ka shaqayn doonnaa in la xoojiyo AMISOM. Ayuu yidhi.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Johnnie Carson, Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale la xoojin doono howsha nabad ilaalinta ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM.
Mr. Johnnie Carson waxuu hoosta ka xariiqay inay Isbaheysi xoogan la sameynayaan Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in labadaasi deegaan ammaankooda aad u wanaagsan yahay, maamulada ka jirana ku dadaaleen sugida ammaankooda.

Carson waxuu sheegay inay xidhiidh wanaagsani  ka  dhaxeeyo  xiligan Somaliland iyo Puntland arrimo badana ay ka caawiyaan, isagoo sheegay in ujeedada Isbaheysiga ay la sameynayaan yahay  si aany  maamulada Somaliland iyo Puntland   ugu soo fudin  kooxaha Al-Shabaab oo xiligaan qalalaase  ku heya Koonfurta Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay kusoo fidaan Somalia inteeda kale, iyagoo doonaya inay carqaladeeyaan meelaha nabadu ka jirto, taas oo sida uu sheegay aanay dawlada maraykanku aqbalayn.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in Mareykanka uu isku dayayo inuu la hadlo kooxaha koonfurta iyo Bartamaha Somalia, oo ay ku jiraan dowladaha hoose iyo hogaamiyayaasha qabaa’ilka ee kasoo horjeeda Al-Shabab.

.By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *