New York (ANN)Dawladda Nigeria ayaa markii ugu horaysay sharraxaad ka bixisay sababta ay Ciiddamo ugu diri wayday dalka Soomaaliya, iyadoo marar badan Dawladda Nigeria laga codsaday inay ka qayb qaadato hawlaha ciidamadda nabad ilaalinta, isla markaana ay qayb
ka noqoto hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka wado Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa mar uu ka hadlayay shirka Qaramada Midoobay ee loo dhan yahay waxa uu sheegay in Dawladda Nigeria aanay xilligan ku arag Dalka Soomaaliya hawlgal nabad ilaalin ah, Hase yeeshee dalkaasi looga baahan yahay hawlgal nabad lagaga dhaliyo. Sidaa awgeed aanay jirin nabad la ilaalinayo ee loo baahyahay hawgal nabad dhalin ah.
“Inta badan waxaa nalagu yidhaahdaa (Nigeria), maxaa uga soo bixi waydeen codsiga la’idiin jeediyey ee ah, in aad Ciidamo u dirtaan Dalka Soomaaliya, Hase yeeshee maanta ayaan rabaa in aan idiin sheego xaqiiqada jirta, waxayna tahay, Dalka Soomaaliya uma baahna ama, kama socdo hawlgal nabad ilaalin ah, ee waxaan adduunka iyo Deeq bixiyeyaasha ogaysiinaynaa in dalka Soomaaliya ay muhiim tahay in laga hirgaliyo hawlgal nabad dhalin ah, kaas oo aanu khibrad u leenahay haddii aanu nahay Nigeria”, ayuu yidhi Madaxweynaha Dalka Nigeria Goodluck Jonathan.
Sidoo kale Goodluck Jonathan ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Nigeria ay xillgan diyaarisay in ka badan 1,000 askari oo loo diro dalka Soomaaliya, balse waxa uu shuruud uga dhigay bixitaanka Ciidankooda inay beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ka bixiyaan gaadiidka lagu gaynayo dalka Soomaaliya. sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Naygeeriya ay hakaasi u dirto ay yihiin Ciidamo noqonaya nabad dhaliyeyaal, maadaama aanay halkaa ka jirin nabad la ilaalinayaa ee loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo.
Hadalka balanqaad ah ee kasoo yeedhay Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli ay dhowaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika caddaadis xoog ah ku saareen Dawladda Nigeria inay Ciidamo u dirto Dalka Soomaaliya. Hawlgalkii raja soo celinta ee sagaashanaadkii waxay Nigeria ka mid ahayd dalalkii ciidmadda keenay Somalia, waxaa waqtigaa lagaga dilay halkaa askar ka tirsan ciidamada Nigeria.
Somalia waxa haatan ku sugan ciidamo lagu qiyaaso ilaa sideed kun oo ka yimi dalalka Ugandha iyo Burundi, kuwaas oo aan waxba ka bedelin xaalada Somalia ee magaalada Muqdisho, balse uga sii daray. Kadib markii dagaalada halkaa ka socdaa ee u dhexeeya dawlada taagta daran oo ay taageerayaan ciidamadda AMISOM iyo kooxaha Al-shabaab oo ay is bahaysanayaan xisbul islaam dagaal kala soo horjeedaan. Dagaaladaa oo khasaare dhimasho iyo dhaawac weyn gaadhsiiyay boqolaal qof oo shacbi aan waxba galabsan, kuwaas ay haleelaan madaafiicda iyo hubka ay labada dhinac isu adeegsadaan.
Si kastaba ha haatee ciidamadda waqtigan ay iclaamisay Nigeria inay u dirayso ayaan laga rajo qabin inay xaalada wax ka bedelaan, waxaana suurta gal ah inay uga sii daraan xaalada iyo mashaakilka iska hor imaadka halkaa ka taagan. Sidoo kalena waxay talaabada ciidamo waqtigan lagu soo kordhiyo Somalia suurta gelinay inay kooxaha Al-shabaab taageero ka helaan dagaalyahano shisheeye oo kusoo jaba muqdisho. Sidoo kale waxa suurta gal ah inay taageero horleh ka helaan Al-shabaab dhalinyaro Soomaaliyeed oo u arka Ciidamada shisheeye ee lagu soo kordhiyo Somalia kuwo duulaan ku ah dalkooda iyo dadkooda.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380