Beirut(ANN) Dawlada Lubnaan ayaa kusoo biirtay wadamada safka hore sahayda iyo gargaarka aadaminimo  ugu gurmanaya dadka Soomaaliyeed oo  macaluusha iyo dagaalada aafeeyeen, waxayna Markab  ku shixnadan sahay gargaar u dirtay Somalia kaas oo

 

kusoo fool leh maalinta Jimcaha Dekeda  magaalada Muqdisho.
Sidaana waxa baahisay Jariirada The Daily Star sabtidii shalay, caawimada uu sido Markabkaasi ayaa ka kooban Bariis, Daqiiq, Sonkor, Caanaha Caruurta,  dawooyinka iyo sidoo kale qalabka Cusbitaalada. Dawlada Lubnaan oo qayb ka noqotay wadamada ka jawaabaya dhibaatada iyo macaluusha ka taagan Somalia, waxay samaysay gudi ka qaybqaata sidii loo caawin lahaa bulshada Soomaalida ee macaluusha iyo dhibaatada colaaduhu aafeeyeen, waxaana gudidaa hogaaminaya Wasiirka caafimaadka Lubnaan iyo Hay;adda lagu magcaabo  Dar al-Fatwa Endowment Fund.
Waxa lagu qiyaasay abaaraha ka taagan geeska afrika iyo cunto yaraantu inay saamaysay dad gaadhaya 11.8 million, kuwaas oo ka gudbay xuduudaha wadamada Somalia, Ethiopia, Kenya. Qaramada midoobay ayaa sheegaya inay waqtigan 9.9 million ka mid ah dadkaa oo Soomaali ahi ka talaabeen oo ay u gudbeen xeryo qoxooti oo ku yaala xuduuda.
Dhowaan ayaa shixnado gargaar ah la geeyay koonfurta Somalia, iyadoo ay booqdeen halkaa si ay xaalada usoo arkaan Raysal wasaaraha Turkiga  iyo wasiirka arrimaha debeda ee Arian, kuwaas oo caawimooyin iyo sahay gar gaar ee deg deg ah gaadhsiiyay dadkaa, sidoo kale wadamo baddan ayaa caawimooyin sahay gar gaar u diray Somalia.laakiin waxa la sheegayaa in aanay xaalada wax weyn ka bedelin oo ay dhibaatada macaluushu weli taagan tahay, isla markaana waxyaabo baddan deeqahaas ahi aanay gaadhin dadkii loogu talo galay oo si xun loo maamulay, ama la leexsaday.
Dhinaca kale Amiirka carbeed ee Al-waliid Binu Dalaal oo ka mid ah kontonka qof ee ugu lacagta baddan aduunka ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho, isagoo  ay weheliso xaaskiisu, isla markaana doonaya inuu kaalmo ka geysto macaluusha iyo dhibaatada bulshada Soomaalida, wuxuuna booqday xeryaha qoxootiga ee magaalada Muqdisho. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *