Hargeysa(Araweelo News Networ) Doodda xeerka loogu magac-daray horumarinta waddooyinka ee Madaxtooyadu ku dalbatay cashuur kordhinta faraha badan, ayaa fadhigii maanta ee golaha dood kulul oo isu rogtay inay mudanayaasha qaarkood isku fara saaraan.

 

 

 

Laba xildhibaan oo kala ah Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Axmed Cabdi (Kijaandhe) oo ku kala aragti duwan meelmarinta xeerkan cashuur kordhinta, ayaa fadhigii golaha dhexdiisa ku dagaallamay kadib markii uu afku ka xumaaday.

 

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ah ee sida wayn uga soo horjeeda xeerkan ayey hadallo is waydaarsadeen mudane Axmed Kijaandhe oo isagu ka mid ah xildhibaannada muxaafadka ah ee danaynaya in xeerka la meelmariyo.

 

Haseyeeshee, doodii ay iskaga soo horjeedeen waxay sababtay in ay gacanta isku qaadaan oo ay isla dhacaan feedh, balse mudanayaashii kale ee fadhigii joogay ayaa markii dambe kala dhexgalay oo kala kaxeeyey, iyadoo arrintaasina keentay inuu muddo hakad galo fadhigii golaha.

Xeerka oo uu golaha usoo gudbiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo  dhowaan Madaxweyn e Siilaanyo hoos geeyay  Hay’adda Wadooyinka, waxay mudanayaashu maalmihii lasoo dhaafay wax ka weydiiyeen Wasiir Xirsi ka hor intii aanay guda gelin doodiisa.

Xeerka Wadooyinka ayaa xanbaarsan lacago dhinaca cashuuraha oo saamayn iyo culays dhaqaalle ku yeelanaya muwaadiniinta Somaliland, lacagtaas oo  inteeda badan la donayo in laga qaado Xoolaha iyo gaadiidka haddii aanay mudanayaasha xeerku horyaal wax ka bedelin.

Dhinaca in ka badan dhawr iyo toban xildhibaan ayaa shirgudoonka golaha wakiiladda u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in Madaxweynuhu horyimaado golaha si wax looga weydiiyo xaaladda dalka.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *