London(Araweelo News Network)Shirkadda Genel Energy PLC oo si wadajir ah uga diwaangashan dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa markii ugu horreysay shaacisay sababaha ku kellifay inay si kedis ah u joojiso hawlihii shidaal-baadhista ee

 

ay ka wadday degaannada bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida lagu baahiyey wargeyska World Street Journal, afhayeen u hadlay shirkadda shidaalka ee Genel Energy, ayaa daboolka ka qaaday inay sababo dhinaca nabadgelyada ah dartood u joojiyeen hawlihii sahanka shidaalka ee ay ka wadeen Somaliland, isagoo xusay inay shaqaalahoodii kala baxeen dalka, isla markaana si ku-meel-gaadh ah u hakiyeen shaqadii ay ka hayeen bariga Somaliland.

 

“Markii xaaladda ammaanku sii xumaatay oo ay ka soo rayn weyday ayaannu si ku-meel-gaadh ah u hakinnay hawlihii la xidhiidhay dhinaca shidaalka ee aannu ka wadnay Somaliland,” ayuu si kooban u yidhi afhayeenka u hadlay shirkadda Genel Energy oo horraantii toddobaadkan xammaanteeda ka urursatay degaannada Somaliland ee ay sahanka shidaalka ka wadday.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo hortagay Golaha Wakiillada maalintii Sabtida ee toddobaadkan, ayaa sheegay in haba yaraatee aanay Genel Energy hawsheeda u joojin arrimo la xidhiidha nabadgelyo xumo ka jirta Somaliland, balse hadalka ka soo yeedhay afhayeenka shirkadda ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya doodda wasiirka daakhiliga.

 

Waxa kaloo shirkaddu caddaysay inay hawlaheedii Somaliland u hakisay xaalado dhinaca amniga ah oo ay ka mid yihiin rabshadihii kaga yimi dadweynaha ku dhaqan degaannada sahanka shidaalku laga waday ee Gobolka Togdheer, arrintaasoo fadeexad ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku guuldarraysatay inay ka hortagto rabshada sababaha inay dalka ka guurto shirkad maalgashi ka waday Somaliland.

 

Shirkadda Genel Energy ayaa heshiis dhinaca shidaal baadhista ah la saxeexatay dawladda Somaliland bishii August ee sannadkii 2012, iyadoo muddadaasna sahamin la dhinaca shidaalka ah ka samaysay degaannada bari ee dalka, gaar ahaan Gobolka Togdheer iyo meelo ka tirsan Oodweyne.

Xigasho:  Jamhuuriya.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *