Libiya(ANN) ilaa boqol dhalinyaro isugu jira wiilal iyo hablo ayaa gaadhi kula qalibmay shalay duleedka Misrata oo dhinaca woqooyi galbeed ee Libya ah, isla markaana 187km dhinaca bari kaga beegan  caasimada Tripoli.  warar kala duwan ayaa kasoo baxay

 

khasaaraha ka dhashay gaadhigaa oo siday qiyaastii boqol qof oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan u dhashay Somaliland, isla markaana ka tegey Magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Burco.

 

Mid ka mid ah Tahriibayaasha u dhashay Somaliland ee ku sugan dalka Libiya  Maxamed Maxamuud Ibraahin oo lagu Naanayso (Hadhuudho) ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay in gaadhiga dhacay uu siday Sibidh la saaray Raar loo sameeyay gaadhigaa oo ka mid ah kuwa dadka Tahriibta ah qaada, isla markaana dadka tahriibayay oo gaadhaya ilaa boqol qof oo dhlinyaro wiilal iyo Hablo ah la saaray sagxada gaadhiga si aanay u qabsan askarta joogta baraha Kaantaroolada dalkaa oo si weyn ula tacaala dadka doonaya inay u tahriibaan dhinaca dalalka Yurub ee ka gudbaya bada, balse waxa uu sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu ka dhashay Markii Gaadhiga oo marayay Duleedka Misrata meel ciidamada saldhig u ah oo moosaas waaweyn leh uu ku dumay dadkii gaadhiga saarnaa raarka ka sareeyay ee sibidhka, taas oo sida u sheegay sababtay inay ku dhintaan halkaa 16 dhalinyaro ah, isla markaana uu dhaawac soo gaadho ilaa tobaneeyo kale.
Mr. Hadhuudho waxa uu sheegay in dadkaa ay ciidamada libiya gacanta ku dhigeen oo la geeyay xabsiga Khubus oo ku yaal caasimada dalka  libiya ee Tripoli, wuxuuna intaa ku daray in dadka gaadhiga saarnaa ee tahriibayay u badnaayeen dhalinyaro ka yimi Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama, isla markaana uu qaarkood garanayo oo ay lasoo xidhiidhi jireen, balse aanay suurta gal ahayn inuu dhamaantood magacyadooda xaadiriyo.
wixii kasoo kordha kala soco shebekada wararka ee Araweelonews .com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *