Muqdisho(Araweelo News Network)muwaadiniin u dhashay dalka Kenya ayaa goordhoweyd laga afduubay badhyamaha Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Sida ay sheegayaan

warar hordhac ah oo la xidhiidha arrintaa, ilaa hada lama ogga muwaadiniinta Kenyanka ah tiradooda iyo ujeedada loo afduubay, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in dablay hubaysan oo ku lebisan dirayska ciidanka dawlada Federaalka ay k aka kaxaysteen fiyooraya, kuwaas oo aan la ogayn halka ay u kaxaysteen.
Xukuumadda Somalia ayaan weli ka hadlin arrintaa, iyadoo sidoo kalena aanay weli wax jawaab ah kasoo saarin xukuumada Kenya.
Afduubka dadka kenyanka ah ayaa yimi laba maalmood ka dib markii ay ciidamada Kenya duqaymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen Koonfurta Somalia, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen dhisme ay ku shirayeen saraakiisha Al-shabaab, isla markaana ay halkaa ku dileen ilaa sodoneeyo ka tirsan madaxda al-shabaab, balse dawlada Kenya ma sheegin magacyada ragga ay dileen iyo kuwo ay sheegeen in iyagoo dhaawac ah ay ka carareen goobtaa.
Dhanka kale Al-shabaab ayaan sheegashada Kenya wax jawaab ah ka bixin.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco halkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *