Muqdisho(Araweelo News Network)Baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay inay ka doodaan mowshin xasaasi ah oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka, kaas oo ay bilaabeen maanta.

26 xildhibaan ayaa saxeexay mooshinkaa oo ujeedadiisu tahay mid looga soo horjeedo in golaha cusub ee wasiirada lagu soo daro xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee weyday kalsoonida Baarlamanka, taas oo sababtay in kalsoonida lagala noqdo raysal wasaarihii hore ee xukuumadda Cabdi Saacid Shirdoon.

Qaar ka mid ah xildhibaanada soo gudbiyay mooshinkaa ayaa ku dooday in xukuumaddii hore ee Raysal wasaare Saacid oo lagu eedeeyey waxqabad la’aan sidaa awgeed ay tahay in golaha cusub ee wasiirada laga mamnuuco in lagu soo daro wasiiro ka mid ahaa.
Mooshinka markii la akhriyay ka dib ayaa waxaa xildhibanada ay bilaabeen inay ka doodaan, waxaana xildhibaanada illaa hadda hadlay intooda badan ay taageereen mowshinkaas, iyagoo sheegay masuuliyada waxqabad la’aanta lagu riday xukuumaddii hore in aanayRaysal Wasaare Saacid oo keliya ahayn. Sidaa awgeed aan loo baahnayn in lagu soo daro golaha wasiiradda rag ka tirsan xukuumaddii hore.

Dooda ayaa ka bilaabantay Baarlamaanka iyadoo uu jiro dib u dhac ku yimi dhismaha xukuumadda cusub, taas oo wararka qaar sheegayaan in muran ku saabsan u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha cusub.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *