Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE ee  tallada Somaliland haya Muuse Biixi ayaa ka hadlay khilaafka cirka isku shareeray  ee kala qeybiyay xisbiga mucaaridka ee UCID, wuxuuna  usoo jeediyay inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda Mujaahid Muuse Biixi oo maanta

warbaahinta la hadlayay, wuxuu isagoo khilaafka labada garab ee xisbiga Ucid ka hadlaya yidhi, “Waan ka xumahay, sababta oo ah UCID waa xisbi qaran, in hay’adda qaran in khilaaf dhibaato u geysto waan ka xumahay oo qaranka ayay wax ka xumaanayaan. UCID waxay sidaa intaas oo kun oo qof codkoodii oo reer Somaliland ah, markaa culayskeeda iyo karaamadeeda ayay leedahay. Sidaa darteed, waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in ay khilaafkooda si nabad ah u dhamaystaan,  Waxaan rajaynayaa oo aanu ugu ducaynayaa xisbiga UCID inay khilaafkooda xaliyaan oo ay si nabad ah ku dhamaystaan oo iyaga oo is ogol ay go’aan wada gaadhaan.”
Muuse Biise Cabdi. Waxa  intaa ku daray “Khilaafku inuu yimaado waa caadi nolosha oo dhan, weliba xisbiyada siyaasiga ah ee talada lagu hayo doodu in ay timaado waa wax caadi ah oo dabeecadda ayay ka mid tahay, waxaa la yidhaahdaa Maan ragga waa mudacyo afkood’. Xisbiyada iyo meesha talada lagu hayo waxaa la rabaa in mudacyadaa la la isu geeyo oo la yidhaahdo maxaa inaga dhiman.”
Sidoo kale Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu isagoo  talladiisa ku wajahan xisbiga UCID yidhi, “Ragga xisbigaa odayaasha ka ah waxaan ku ogaa rag wada degan oo calculus oo miisaan leh. Waxaan kula talinayaa khilaafkiinu ha noqdo mid idinka aan idin soo dhaafin. Waxa kale oo aan kula talinayaa in weedhaha aad idinku isku leedihiin aanu soo gaadhin saxaafadda iyo dadweynaha, sababta oo ah hadalada idinka soo baxaa waxay keenayaan naxdin iyo qalbi jab qaranka oo dhan ah. Taana waana waan kula talinayaa oo waxaan leeyahay saxaafadda weedhihiina kulkulul iyo doodihiina kulkululi yaanay ku soo bixin. Saxaafaddana waxaan ka codsanayaa in ay xil iska saarto. Wax alaale iyo wixii taageero ah iyo isu soo jiidis ah diyaar ayaanu u nahay haddii nalooga baahdo. Laba xisbi oo kala gaar ah ayaanu nahay oo ma jeclin in aanu soo faro-gelino. Laakiin waano guud oo lexojeclo ah oo tolnimo ah ayaanu idiin soo jeedinaynaa. Walaalayaan khilaafkiina dhameeya, rag waawayn ayaad tihiin, raggii dalka ugu mudnaa ayaad tihiin, waliba waxaa idinku jira rag bartay sida khilaafaadka loo xaliyo ayaa idinku jira, guddoomiyaha Faysal ayaa xilka ugu wayni saaran yahay waxaan kula talinayaa in uu dulqaad sameeyo oo arrinta dhulka dhigo oo uu raggiisa u yeedho, xisbigu haddii uu kala jabo taageero heli maayo,waxaana ku rajo weynahay inaad khilaafkiina maaraysaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *