http://waaheen.com/wp-content/uploads/2011/07/Gudoomiyaha-Maxkamada-sare-Yuusuf-Ismaaciil-cali.jpg

Hargeysa(ANN)Labada gole   Baarlmaan ee  (Wakiilada iyo Guurtida), ayaa maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilkaa 2 July 2011. Fadhi wada

jirka ah oo ay yeesheen mudanayaasha labada aqal maanta waxa  kasoo xaadiray 109 Mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka. Kulnkaa  oo gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro).
Waxa fadhiga laga akhriyay taariikh nololeedkii, waxbarashadii iyo waayo aragnimadii Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ka dibna waxa la gudo galay cod u qaadistii Gudoomiyaha cusub waxaana ogolaaday 107 Xildhibaan, hal Mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaana  waxa  ku ansaxay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *