Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga UCID ee dhowaan  sare ee  xisbigu sheegeen inay xilka ka qaadeen  Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga laga saaray Xubnihii Guddida fulinta ee ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen isaga. Iyadoo dhinaca kale ee ay hogaaminayaan Gudoomiyaha

la doortay Aadan Mire Waqaf iyo gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro soo saareen. Kadib shir ay yeesheen gudida fulintu magacyada gudida qabanqaabada shirweynaha xisbiga oo ay u mudeeyeen 7 ilaa 8 bisha September 2011.

Laakiin Guddoomiyaha xilka laga qaaday  ayaa dhinaciisa sheegay  in  shir ay maanta ku qabsadeen garabkiisu Huteelka Scandinivian ee Koonfurta magaalada Hargeysao, halkaas  oo dhawr xubnood  ka mid ah Golaha dhexe ee xisbiga oo  isaga taabacsan iyo  taageereyaashiisa Caasimada Hargeysa ku kulmeen, waxa kale oo uu shirkaa kaga dhawaaqay in xubno cusub loo magacaabay xilalka sar sare xisbiga

“Inaga oo raacayna sharciga xisbiga qodobkiisa saddex iyo tobnaad faqradiisa sideedaad ee xeerka xisbiga waxaan idiin soo jeedinaynaa in aynu xilkii iyo xubinnimadiiba ka qaadno sagaalkaa xubnood ee inaga goostay oo magacyadoodu kala yihiin C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro),Aadan maxamed Mirre (waqaf),Xasan Xuseen Codyare, C/laahi Siciid Dheere,Muuse xaaji Muxumed Guuleed,Maxamed C/laahi Uurcadde, Cismaan Afgaab,Maxamed Xasan Dirrir,Xuseen Asad iyo Axmed Muumin Seed, ma ogoshihiin, sidaas ayaanan kaga saarnay xisbigii,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay xubnaha uu magacaabay wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa in aan si ku meel gaadh ah u doorano afar xubnood oo aan doonayo in ay hawsha inoo sii wadaan,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga waxaan ka dhigaynaa C/laahi Xaaji Cumar (C/laahi Jawaan), guddomiye ku xigeenka labaad waxaan ka dhigaynaa C/qani Garaad Maxamuud Garaad Maxamed Cali Shirre iyo xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Cali Madoobe (Jiir),Afhayeenka xisbigana waxaan u magacaabayaa Maxamed Xasan Khayre (Shabaash).”

Sidoo kale waxa oo uu tilmaamay inuu xilalkii ka qaaday saddex xubnood oo guddoomiyeyaal ka ahaa Gobolada Togdheer, Maroodi Jeex iyo Awdal iyada oo isla goobtaasi lagu magacaabay kuwo xusub, guddoomiyihii hore ee gobolka maroodi Jeex oo magaciisu ahaa Shiine Maxamed Idiris waxaa lagu bedelay Mawliid Muuse Muxumed,Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID ee gobolka Togdheer oo ahaa Ina Afgaab,waxaa lagu bedelay Mustafe Jaamac Xasan, guddoomiyihii hore ee Xisbiga UCID ee goblka Awdal Maxamed Nuur Abees waxaa lagu bedelay Cumar Daahir Cismaan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay khilaafka ka aloosan xisbigiisa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan idiin kala cadeeyo saaxiibadaydii hore ee inaga goostay waxyaabaha ay ku andacoonayaan,saddex qodob ayay ku andacoonayaan,qodobka koowaad waxay yidhaahdaan guddoomiye kastaaba wakhti ayuu leeyahay ee waa in uu Faysal xilka wareejiyaa,sharci baana jira haddii uu wareejinayo guddoomiyuhu cida uu ku wareejinayaana waa in uu sharci ku soo baxaa ee ma aha wax la isku dhiibo iyadoo suuqa la marayo,ta labaad waxay yidhaahdeen UCID laba jeer ayaa qofka la doortaa, aduunyada waxaa ugu daran marka uu qof kaaga sheekeeyo wixii aad u keentay. Xeerka xisbigu wuxuu ahaa saddex iyo labaatan qodob markaa sanadkii 2001-dii kuma uu jirin in uu qofku guddoomiye noqdo laba jeer,markaa haddii uu qodobkaasi ku jiray xeerka xisbiga 2001-dii waa runtood oo labadii jeer way iga dhamadeen, laakiin haddii xeerkaa la keenay 2006-diina marbaa ii hadhsanaanaya oo mar saddexaadna wuu dhigayaa xeerka oo marka xeerka la keeno ayuun buu bilaabmaa.”
“Markaa sharcigii aanu keenay 2001-dii ayaanu wax ka bedelay sanadkii 2006-dii shirwaynihii xisbiga ayaana lagaga bedelay waxaana laga keenay soo jeedinta golihii dhexe ee shirkii aanu 2004-dii ku qabanay magaalada Burco, wax ka bedelna kumaanu samayn dhamaan qodobada ee wax yar ayaanu ka bedelnay oo siyaado ku ahaa qodobada, qodobadii aanu wax ka bedelnayna waxaa ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga oo ahaa 114-xubnood markii aan xisbiga aas aasay ayaanu ka dhignay 151-xubnood, guddoomiye ku xigeenada oo laba ahaa ayaanu ka dhignay saddex,muddada shirarka ee golaha dhexe iyo guddida fulinta oo ahayd afar sano waxaanu ka dhignay shan sano,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “Marka ay leeyihiin way kaa dhamaatay qodobkani ma ku jiray xeerkii xisbiga ee 2001-dii waa maya,ma ku jiray 2006-dii waa maya Waxaa dhacday sanadkii 2009-kii inta xeerkii la qaatay saddex qodob oo dheeraad ah lagu daray,waxaanay kala yihiin,guddoomiyaha wakhtiga uu isa soo sharixi karaa waa laba jeer , wixii wax dooranayaa waxay noqonayaan guddida fulinta ee xisbiga , wixii wax bedelaya waxaa ansixinaysa guddida fulinta, saddexdaa qodob ee ay ku dareen markii aanu 2009-kii dooranaynay musharixiinta madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ayay leeyihiin waa la fuliyay qodobadaasi ay ku soo dareen,markaa waxaan leeyahay sharciga xisbiga ayaa ansixiya cida keliya ee awooda u lehna waa shirwaynaha xisbiga oo lagu ansixiyaa xeerarka oo dhan markaa haddii ay leeyihiin waala ansixiyay waa been oo maanaan ansixin, oo musharixiinta madaxwaynaha iyo ku xigeenka oo keliya ayaa lagu ansixiyay shirkaa, waxay xisbiga ku sameeyeen inqilaab iyo khiyaano wayn,waxaanu sheegayaa sharciga xisbigu haddii ay xubno ka mid ah xisbigu ku kacaan waxyaabo dhibaato ah ama mijo xaabin golaha dhexe ee xisbiga ayaa xaq u leh in ay shaqada iyo xubinadaba ka saaraan,sagaalkaasi nina taasi way wada sameeyeen.”

Dhinaca kale Garabka xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee ay Hoggaamiyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee xisbigaa Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ayaa maanta magacaabay Guddida qaban-qaabada shirweynaha sadexaad ee UCID, kuwaas oo  kooban 13 xubnood.

Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee UCID Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), kaas oo  u dhignaa sedan:- “Shir ay maanta isugu yimaadeen guddida fulinta ee xisbiga UCID oo u shir-gudoominayey Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID Md. Aaden Maxamed Mirre Waqaf ayaa waxa ay go’aan ku gaadheen in guddiga qabanqaabada shirweynaha 3-aad ee Xisbiga UCID oo qabsoomi doona 7 ilaa 8 bisha September 2011 ay noqdaan xubnaha hoos ku qoran.
Xubnahaas oo ka tirsan golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID.
Guddigu waxay iska dooran doonaan gudoomiye.

1. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)
2. C/Raxaman Xaaji Salax Xasan
3. Muuse Xaaji Maxamed Guleed (Inji)
4. C/raxman Cisman Caalin (C/raxman Dheere)
5. Maxamed Cabdilaahi Uur-cade
6. Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox)
7. Axmed Muumin Seed
8. Saalax Muxumed Idiris (Shiine)
9. Xildhibaan Maxamed Jamac
10. Cisman Afgaab Nuur
11. Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle (Farax Dheere)
12. Xuseen Aadan Cali Cige (Asad)
13. Caasha Xuseen Maraykan

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *