calanka somaliland oo laga taagay cabudwaaqCaabudwaaq(Araweelo News Network)Deegaamo ka mid ah Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia ayaa markii u horaysay laga taagay Calanka Somaliland ee sadexda midab leh ee

 

tawxiidku ku xardhanyahay, kuwaas oo laga sameeyay munaasibado lagu soo dhoweeyay dabaaldega xuska sanad guurada 23aad ee maalinta qarimada Somaliland ee 18 May oo shalay laga xusuy guud ahaan Somaliland iyo meelo kale oo ka tirsan qaaradaha dunida.
Magaalada Caabudwaaq ee koonfurta Somalia waxa laga sameeyay dabaaldegyo lagu taageerayay xuska qaranimada Somaliland, waxaana dadka deegaanka Caabudwaaq isugu soo baxeen taageerada qadiyada Somaliland, iyadoo jahliyada Somaliland ee Caabudwaaq soo abaabushay munaasibadaa, isla markaana ay ugu baaqeen bulshada kale ee Koonfurta Somalia in ay aqoonsadaan Somaliland qaranimadeeda iyo guusha ay gaadhay.

Sidoo kale Gudoomiyaha aminaga iyo difaaca dawlad goboleedka Galmudug Xildhibaan Cali Baashe Jimcaale Abtidoon oo ka tirsan Baarlamanka Maamul goboleedka Galmudug ee Koonfurta Somalia ayaa sheegay in ay ku hanbalyaynayaan Somaliland xuska dabaaldega munaasibada maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo loo dabaaldegay sanad guuradii 23aad shalay.
Xildhibaan Cali Baashe, wuxuu sheegay in ay Somaliland wax weyn qabsatay, isla markaana ay tahay in lagu farxo dhismaha qaranimada Somaliland iyo dawladnimadeeda ee aan la xaasidin, “waxaan qabaa in ay maanta yidhaandaan inta wax garadka ah Jamhuuriyadda Somaliland gooni isu taagooda hanbalyo, waxaana leeyahay jira oo jooga, waxaan ku talin lahaa haddii dadku fekerayo xaasidnimo ma fiicnee Somaliland horumar ayay gaadhay dalkooda ayay dhisteen, Waxbarashada ayay guul ka gaadheen, Amniga ayay guul ka gaadheen, cilaaqaadka caalamiga ah ayay guul ka gaadheen waxaan ku talin lahaa in la taageero gooni isu taaga Somaliland oo aan u arko inuu guul u yahay dhamaan ummadda Somaaliyeed iyo Islaamkaba, “ ayuu yidhi Xildhibaan Cali Baashe.
Mar uu is barbar dhigayay Somaliland iyo Somalia, wuxuu yidhi, “ma dhicikarto, ama ma wanagsana nin curyaan ah oo Lug iyo Gacan ka jaban oo qalbigiisu jabay oo niyadu jabtay oo goor uu kici doono aan la ogayn iyo socday oo talaabsaday oo wiixii loogu talagalay qabsaday in laysu xayiro, shalay ayagaa noo yimi maantana in ay keligood gooni isu taagaan xaq ayay u leeyihiin.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Amniga iyo Difaaca Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale waxa munaasibada 18 May ee sida weyn looga xusay Somaliland iyo dunida kaleba soo dhoweeyay shacbiga Maamul goboleedka Galmudug ee xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacayo, kuwaas oo ku amaanay shacbiga Somaliland iyo dawladooda horumarka ay sameeyeen iyo dabaaldega xuska 23 guurada qaranimadooda ee 18 May oo ku beegnayd shalay.
Dhawaaqyada kasoo baxaya Koonfurta iyo badhtamaha Somalia ee lagu taageerayo Somaliland ayaa soo baxay xili ay Somaliland markii u horaysay xuska munaasibada 18 may kasoo qaybgaleen madaxdhaqameed ka socda deegaamada Koonfurta Somalia, kuwaas oo si weyn ugu qushuucay xuska dabaaldega 18 May ee ay goob jooga ka ahaayeen, isla markaana ku dhawaaqay in ay ku qanacsan yihiin wixii ay ku arkeen Somaliland oo ay wixii maanta ka danbeeya jiritaanka iyo qaranimada Somaliland iyo gooni isu taageeda aqoonsan yihiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *