Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday in masuuliyiinta xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Madaxweyne Rayaale musuqmaasuq iyo boob baahsan kula kaceen

 

hantida ummadda iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Mr. Maxamed Saleebaan-weyne oo waraysi khaas ah Jamhuuriya iyo shabakada Araweelonews ku siiyey shalay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa uu ugu baaqay xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo inay si degdeg ah ula xisaabtanto masuuliyiinta maamulkii Rayaale, isla markaana weydiiso halka ay mariyeen dhaqaalihii dalka oo uu tilmaamay inay sida diirta u feenteen, isagoo si adag ugu eedeeyey madaxdii xukuumaddii xisbiga UDUB in ay ku kaceen tuugo iyo boob aad u ballaadhan oo lagu xaalufiyey qannimaddii qaranku lahaa muddadii ay dalka maamulayeen.
Waxa kaloo uu si cad uga markhaati kacay ind dawladdii Daahir Rayaale Kaahin hoggaaminayey ee uu wasiirka ka ahaa ahayd ayax aan dhiishoodu buuxsamin oo dhaqaalihii iyo hantidii dalka leefay, waxaannu carrabka ku dhuftay inuu isagu diyaar u yahay in lagula xisaabtamo masuuliyada muddadii uu wasiirka ahaa.
“Musuqmaasuq in aannu samaynay iyada shaki kama jiro, maanu dayn geed iyo dhagax toona ee dalkan sida diirta ayaanu u Feenanayn, dunuubtii aannu galnay haddii aanan Illaahay waydiisan inuu naga saamaxo, ummaddana aanaan odhan ha nala cafiyo, wixii aannu kharibnayna wixii aannu ka hayno aanaan ummadda u soo celin, dawladdani haddii ay hawshaa geliwaydo oo sidaa ay uga laalaabato, waxay noqonaysaa dawlad iyadu u weel samaysanaysa tuugo, wixii aannu xadnay waa in la dabagalaa, wixii aannu kharibnay waa in ummadda naloo waydiiyaa, haddii ay taasi dhici waydo oo nalala xisaabtamiwaayo dawladda maanta jirtaa ha ogaato inay tahay mid weel u samaysanaysa tuugo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Saleebaan Wayne.
Mar wasiirkii hore ee warshadaha la weydiiyey aragtidiisa ku aaddan xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu xusay in dalku waqtigan ku jiro gacan qabow oo ammaan ah, isla markaana la gaadhay xilligii la toosin lahaa qalloocyadii maamul ee Somaliland galay waqtigii uu dalka hoggaaminayey Daahir Rayaale.
Isaga oo Md. Maxamed Saleebaan Weyne arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta waxaan qabaa in waddankii gacanta lagu hayo oo wadankii markii hore faalsada ahaa oo Illaahay naga soo gaadhay qoladayadii Ayaxa ahayd ee aan dhagax iyo geed toona badbaadinayn, waxaan qabaa inuu hadda gacmo qabow ku jiro oo ummaddii lahayd ka tashanayso.”
Waxa kale oo wasiirka la weydiiyey sida uu u arko baadhitaannada kala duwan ee hanti-dhawrka guud ee qaranku hadda waddo, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi;“Horta baadhitaankii hore waxaan u arkayey inuu ahaa mid degdeg ah oo ujeedooyin ka soo bixi karayeen, waxay ahayd in arrinta cagta loo dhigo maanta oo kale ama weliba laba saddex bilood kadib in la bilaabo, laakiin iyadoo dawladdii la magacaabayo oo la dhisayo ayaa baadhitaan la sameeyey, taasina degdeg bay ahayd, markaa degdegii baa keenay in arrintu sidaa noqoto. Laakiin waa in nalagala xisaabtamaa wixii ummadda aannu ka xumaynay oo maxkamadaha nala geeyaa oo sharciga u dhigan aannu marnaa, haddii nalala xisaabtami waayo dawladdani xisaab diyaar uma aha ee tuugo ayey diyaar u tahaye iminkaba ha la ogaado.”
Md. Maxamed Saleebaan Weyne oo ka jawaabayey su’aal ahayd, ‘Adigu wasiirkii Warshadaha ayaad ahayd, ma sheegi karaysaa xoolihii aad lunsatay, diyaarse ma u tahay inaad si mutadawacnimo ah Hantidhawrka u hortagto si laguu baadho?, waxa uu yidhi; “Ha la i baadho, wixii la igu helo ee aan ummadda ka dhacay ama ka kharibay waa in maxkamad la igu geeyaa oo la waydiiyaa oo maxkamadaasi i xidhaa ama i siidaysaa, diyaarna waan u ahay.”
Mar la waydiiyey inuu markhaati ka geli karo hanti masuuliyiintii ama hay’adihii dawladdii uu ka tirsanaa dalka ka dhaceen, haddii looga baahdo, waxa uu ku jawaabay, “Horta baadhitaan iyo markhaati isma galaan, baadhitaan marka la wado wax cad baa maxkamadda la horkeenaa, laakiin in qof suuqa ka hadlo oo uu yidhaahdo hebel baa sidaa ahaa ma wanaagsana, waxaan leeyahay waar baadhitaan ha nalagu sameeyo, wasiirka Warshadaha ayaan ahaa ha la i baadho wasaaraddii iyo maaliyadeedii, hantidii warshadaha halkaan geeyey ha la I weydiiyo, nin kasta oo wasiir ahaana waa in la baadhaa.
Dhagaxtaantii aan Berbera dhigay dadkii ku turaanturooday ha i ashkateeyaan. Dalka dastuurkiisa iyo sharciyadiisa in la raaco oo la ilaaliyo weeye, Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii Axmed Yuusuf waa xubin sharaf Golaha Guurtida ka mid ah maanta xisbi maaha, in Axmed Yuusuf Yaasiin uu yidhaahdo xisbi baan shirinayaa oo aan haggaajinayaa oo hebelna wuu ka baxay hebelna wuu galay waa khalad, waxaan leeyahay Madaxweyne-ku-xigeen Golaha Guurtida iska xaadiri oo xubin sharaf baad tahaye Guurti noqon. Xisbi shaqo kuma laha maanta ee nin qaran inuu xisbi ku warwareegaa dastuurka dalka ayey jibinaysaa.”
Waxa kale oo wasiirkii hore ee warshadaha la weydiiyey damaciisa siyaasadeed ee xiligan iyo inuu siyaasadda isaga fadhiisanayo, isaga oo arrintaa ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Siyaasadi u fadhiisi iyo u kac midna ma leh, bahashu kolba halkay joogto ayaad tagaysaa, laakiin anigu kana fadhiisanmaayo siyaasadda, dalkana ka tegi maayo.”
Md. Maxamed Saleebaan Weyne oo la weydiiyey inuu hadda ka tirsan yahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu hore ugu dhawaaqay inuu ku biiray, waxa uu ku jawaabay; “Qoladaydii hore maanta haddii aannu nidhaahno xisbiyo ayaanu ka tirsanayn, waxaan u malaynayaa inay khaldan tahay, xattaa Madaxweyne-ku-xigeenkaygii waa xubin-sharaf Golaha Guurtida ah ee inuu iska xaadiriyo ayaa wanaagsan, UDUB iyo UCID maanta talo ma taal ee wadankan sidii wax loogu qaban lahaa ayuun bay taladiisu taalaa ee gacmaha la isugu wada gayn lahaa, dadkuna wado u wada mari lahaa.”
Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne) oo ka hadlayey arragtida uu hadda ka qabo xisbiga UDUB oo uu hore uga tirsanaan jiray, waxa uu yidhi; “Xisbigii UDUB la odhan jiray Alle ha u naxariistee Ina Cigaal ayuu la dhintay, xisbi UDUB la yidhaahdo oo maanta jiraa ma jiro, waa xisbigaa dadkii lagu soo doortay ee Baarlamanka ku soo galay iyo kuwii degmooyinka dalka oo dhan lagaga soo doortay, aasaasayaashii iyo kuwii intaas oo sanno ka soo shaqeeyey inta laga guuro Jug-soo-dhacay iyo Cismaan Hindiyo la keenayo ee weliba madax looga dhigayo, kaasi xisbi maaha ee reer guuraa buu ahaa.”
Waa markii ugu horraysay ee wasiir ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Rayaale si badheedh ah uga markhaati kaco in mudadii ay xilka hayeen ku kaceen musuqmaasuq baahsan, isla markaana uu Illaahay iyo ummadda reer Somaliland cafis weydiisto.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *