Hargeysa(ANN)Mudanayaasha sida weyn ugu qanacsan mooshinka muranka iyo sawaxanka ka abuuray gollaha wakiilada Somaliland ayaa kulan casuumadeed balaadhan maanta ku yeeshay huteelka Ambassador ee Magaalada hargeysa. Kulankaa oo ahaa mid u muuqday

 

dhoola tus ayaa ka dhashay jawaabta kasoo baxday kulan saacadihii lasoo dhaafay ay  yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo  kooxda mudanayaasha ah ee wadata mooshinka sawaxanka abuuray ee sababay in la hakiyo fadhiyadii gollaha wakiilada.  
Hase yeeshee kulanka ay maanta ku yeesheen mudanayaashaa oo gaadhaya ku dhowaad dhawr iyo afartan xildhibaan ayaa ahaa mid casuumad qado iyo fadhi ah, isla markaana lama oga ujeedada kulanka kooxdaa mudanayaasha ah oo saxaafada u ogolaaday oo keliya inay qaataan sawiro. Laakiin Xildhibaan Xamse Gaadaweyne  oo ka mid ah mudanayaasha la kulmay Madaxweynaha ayaa kusoo dhoweeyay mikirifoonka Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble si sharaxaad kooban uga siiyo  warbaahinta ujeedada kulankooda.

 


Mudane . Siciid Cilmi Rooble, ayaa sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay wadaan, isla markaana diyaar u yihiin sidii ay golahooda u haggaajin lahaayeen.
Wuxuuna Isaga oo arrintaa ka hadlaya  yidhi; “Horta kulankan waxaad ku aragtaan qoor-weyntii mudanayaasha Golaha, sawirkii dhabta ahaa ee goluhuna halkan buu isugu yimi ee shacbiyahaw sidaa u ogaada, oo mudanayaashii wakiilladu iyaga gobolkasta iyo xisbi kasta ka soo jeeda oo midaysan ayey kulankan isugu yimaadeen, waxa naga maqan dhawr qof oo qudha, qaar Berbera ku maqan, qaar tacsi ku maqan iyo qaar aroos ku maqanba, tirada aanu nahay ee runtii aanu ummadda u sheegaynaa waa 47 mudane oo aqlabiyadii golaha ah, marka laga reebo  mudanayaal aan halkan nala joogin oo aanu hoosta iska ognahay.
Waxaanu ka wada hadlaynaa xalayto (habeenimadii Axadda), waxaanu 13 xubnood oo aanu iska xulnay u dirnay madaxweynaha, way is arkeen oo si wanaagsan baa loo garnaqsaday, hadal qurux badan ayaa la isyidhi, madaxweynuhu wuxuu soo gubiyey codsi, markaa codsigaa ayaanu kulankayagan kaga wada hadlaynaa anaga oo khaas ah oo aanu jaraa’idku nala joogin. Habayaaraatee wax dhibaato ah oo aanu wadnaa ma jiraan ee waxa qudha oo aanu ku midaysanahay waxa weeyaan in aanu golahayaga haggaajisano oo wax allaala iyo wixii naga baaqday mudadii shanta sanno ahayd aanu dhamaystirno hadday sharci tahay, hadday xeerarkii tahay iyo haday tahay murugii ku jiray dastuurka Somaliland ee mudada badan la isku haystay, anaga oo go’aasanay in wixii shantaa sanno naga baaqday aanu dhamaystirno.”

Ma jiraan ilaa hada go,aamo kasoo baxay kulankaa maanta ee xildhibaanada, balse  waxa jira warar sheegaya inay kooxda mudanayaasha ah oo weli ku adkaysanaya inay sii wadaan mooshinku damacsan yihiin sidii loo furi lahaa gollaha, iyadoo markaa ka dibna ay qorshaynayaan inay guda galaan hawshooda ay ku doonayaan inay wax ka bedel ku sameeyaan xeer hoosdka gollaha, si ay markaa ka dibna ugu gudbaan is bedel lagu sameeye hogaanka gollaha, iyadoo ay kooxda mudanayaasha ah ee mawqifka mooshinka iyo sidii loom eel marin lahaa kusii dhegani hada u muuqdaan aqlabiyada xubnaha gollaha, marka laga reebo dhawr xubnood oo fasax kaga maqan gollaha.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *