[SB10001424127887323551004578121101358775958]Gazza(ANN) Diyaaradaha dagaalka ee Israil ayaa weli wada duqayn ay maalintii labaad ka wadaan deegaanka Gazza, taas oo sababtay inay ku naf waayaan 40 Falastiiniyiin ah, iyadoo ay ku dhwaacmeen 345 u badan haween iyo caruur. Xamaas ayaa

dhinaceeda duqaynta ka bixisay jawaab, waxayna Xoogaga Filasdiiniyiinta oo helay sawaariikh casri ah garaaceen magaalooyinka Qudus iyo Tal’abiib oo Yabuudu xoog ku heysato.
sida laga baahiyay Raadiyaha Yahuudda oo xaqiijiyay in 6 Yahuud ah ay ku dhinteen madaafiic ku dhacday magaalooyinka  Casqalaan,Tala’biib,Qudus,Karmaan iyo deegaanno kale.

Gantaalaha lagu magcaabo Cizudiin Ghazam oo ah hub wax ka dili kara 75 KM illaa  80 KM,  ayaa suurta geliyay inay  ku guuleysataan Xamaas  in ay dhulka soo dhigto laba kamid ah Diyaaradaha dagaalka Yahuuda oo qeyb weyn ka qaadanayay duqeynta magaalada Gaza, kuwaas oo mid ka mid ah ay tahay  nooca dagaalka  ee F-16 iyo  diyaarada nooca wax basaasta ah oo burburtay.
Dawlada Israil ayaa u yeedhay ciidamadeeda kaydka oo gaadhaya 75, 000, kuwaas oo lasoo dhoobay caawa xadka Gazza, iyagoo wata gaadiidka gaashaaman iyo dubaabadaha dagaalka, waxayan gebi ahaanba bur-burisay xafiisyadii maamulka Falastiin oo ay dhulka la sintay. kadib markii diyaaradaha dagaalku si is daba joog ah u garaaceen.
Dhinaca kale hogaamiyayaasha wadamada carabta iyo Turkiga ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay dalka Masar, kuwaas kaga hadlaya xaalada ka cusboonaatay Gazza.
Kulanka deg deg ah ayaa kusoo beegmay saacado kadib iyadoo duqayntu socota maalintii labaad, waxayna xukuumadda cusub ee Masar si cad u sheegtay in aanay u dulqaadanayn gardarada lagu hayo Falastiin oo ay garab istaagay shacbiga reer Falastiin, isla markaana aanay Masar ahayn Masartii shalay ee Tawrada Masar jawaab ka bixinayso gardarada lagu hayo dadka Falastiin. sidoo kale wadamada Qatar, Tunisiya iyo  Yaman oo ah wadamadii dhowaan kacdoonka isbedelku ka dhacay ayaa qaab ka duwan sidii ay uga hadli jireen hogaamiyayaashii xukunka laga tuuray ee dalalkaa marka ay weerarada sidan oo kale Israil ku qaado Falstiin uga hadlay. dalka Turkiga ayaa isaguna si cad u canbaareeyay Israil talaabada ay ku garaacay Gazza, iyadoo xurguf weyn oo siyaasadeed u dhaxayso Israil iyo Turkiga oo hada isu dhigay awood hogaaminkara dunida Islaamka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *